Waraabe Dad ku Cunay Deegaanka Ceel-sheekh

0
646

Ceel Sheekh (Dawan)- Dadka ku nool deegaanka Ceel Sheekh oo ka tirsan deegaannada xeebta degmada Lughaye ee gobolka Awdal ayaa ka cabanaya Dhurwaa dad qaad ah oo habeenkii soo weerara goobaha ay dadku deggan yihiin.

Dhacdooyinkii u dambeeyey ee weerarka uu soo qaadday Waraabuhu ayaa waxaa ku dhaawacmay gabadh toddoba jir ah oo hadda lagu daweynaya Cisbitaal ku yaalla magaalada Hargaysa.

Gabadhaas waxaa dhalay Allaale Maxamed Cumar. Waxaanu u sheegay Raadiyo Ergo oo uu u warramay in sababta Dhurwaagu u dad qaad u noqday ay tahay in xilligi dabeysha Sagar ay dhacday bishii May dadkii ku dhintay uu meydkooda cunay dhurwaagaasi, sidaa darteedna uu bartay hilibka dadka. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dadkii dufaanta Sagar ku dhintay ayuu maydkooda cunay waxaanu noqday Dhurwaa dad qaad ah, hadda siddeed qof ayuu ku cunay deegaanka Ceel Sheekh oo gabadhan yar ayaa ugu dambaysay. Marka uu gabalku dhaco ayuu reerihii ku soo baxayaa.”

Allaale Maxamed Cumar waxa uu sheegay in siddeed qof ay qaar dhinteen qaarna uu dhaawac soo gaadhsiiyey, isaga oo arrintaasi ka hadlayay na waxa uu yidhi “Saddex todobaad ka hor ayaan Cisbitaalka Hargeysa keenay inantayda oo uu goor habeenimo ah guriga ku soo weeraray, waxa uu dhawaac ka soo gaadhay Madaxa, indhaha iyo dhegaha hoostooda, wxa kale oo ay habeen dhawayd soo weerareen iyada oo waalidkeed la hurada ayey saddex Dhurwaa kala goosteen oo waslad yar ayaa jidhkeedii laga helay oo la aasay.”

Deegaanka ayaanay ka jirin wax biyo yaraan ama biyo la’aan ah balse waxa ay dadku deegaanku sheegeen in dhurwaagan uu dad qaad ku noqday dadkii ku dhintay dufaantii ku dhufatay deegaanka xeebaha Somaliland ee Sagar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply