Wasiirka Biyaha oo Kormeeray Ceel Muddo Shan-Sanno ah Xanibna oo Dib loo Hawl Galiyay

0
452

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa kormeeray Ceel Biyood muddo shan sanno ah aan shaqayn oo dib loo hawl geliyay, isla markaana ay ka shaqaysiisay wakaaladda Biyaha Burco oo aan cid kale gacan ka helin.

Wasiirka Biyaha ayaa ku ammaanay maareeyaha wakaaladda Biyaha Burco iyo madaxda iyo hawl wadeenada wakaaladda biyaha Burco dedaalka dheeraadka ah ee ay ugu jiraan in ay dadkooda iyo dalkooda u adeegaan oo ay daboolaan baahida biyood ee magaalada Burco.

Waxaanu wasiirku u ballan qaaday in wixii ka wasaarad ahaan ay uga baahdaan ee ay awoodaan in ay diyaar ula yihiin. Waxaanu yidhi “Dhab ahaan waxaad na tusteen bulshadda inaad wax u qaban kartaan, waxaanan ka markhaati kacayaa wakaaladda biyaha intii aad joogtey in tallaabooyin waaweyn oo waxtar leh aad ku talaabsatey ood shaqeynayso horumar badan ayaana ka muuqda, tanina waa wada shaqeynta masuuliyiinta wakaaladda biyaha ee Burco”

Wasiirka oo ka hadlay muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin nolosha iyo khayrka ay leedahay in biyaha laga shaqeeyaa,ayaa yidhi. “Dalkiini iyo dadkiini ayaad u shaqeyneysaan umad wax biyo looga shaqeeyo oo ka fadli badanina ma jiro, hawshana sidaasi aad u waddaan ee daacadnimadu ku dheehan tahay isula wada aad iyo aad ayaanu run ahaantii raali idiinka nahay, Illaaheybaana abaalkiina gudi doona, hadaad tihiin farsamoyaqaanadda madaxda iyo raggiina wadarta u wada shaqeynaya Burco idinka ayay idin sugeysaa inaad biyo siisaan, tallaabo kasta iyo si kasta oo aan anigu ku awoodana diyaarbaan idin ahey”

Maareeyaha wakaaladda biyaha ee magaalada Burco Cabdixakiin Maxamed Maxamuud oo isna faah faahin ka siinayay wasiirka ceelka muddada shanta sano ah fadhiyay ee ay ka shaqaysiiyeen iyo tallaabooyinka kale ee u qorshaysan iyo tirada mishiinada iyo bamamka biyaha ee u kaydsan,ayaa yidhi. “Cid naga caawisay ma jirto wakaaladda ayaa isu leh, mishiinka bamka waxaana imika goobtan noo yaalla afar mishiin oo aanu dayactir ku sameyney ceelka lambar 16 ayaa isna jira oo muddo saddex sano ka hor ah aanu ka soo furney qufulkii kaliyana u baahan in aanu hadda ku ridno bamkii, kanina hadda wuu shaqeynayaa waxaanan ugu talo galney in wixii magaalada waqooyi ka soo xiga, sida Koosaar, Shacabka, Caaqil-yare inuu waraabiyo, sidoo kale ceelkani waxaa uu leeyahay kaag laga reebi karo ceelasha kale marka loo baahdo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply