Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradda Waxbarashadda oo Ku Dhawaaqay Shaqaalaysiinta 400 oo Macalin

0
595

Hargeysa-(Dawan)- Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland iyo wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, ayaa si wada jira u soo bandhigay 400 oo Macalin oo ay dawladdu shaqaalaysiisay, laguna daray Diwaanka shaqaalaha barmanka ah ee Miisaaniyadda, waxaana ay 400 macalin ay hore qaranka ugu shaqayn jireen dugsiyada dawladda ee waxbarashadda iyaga oo aan wax gunno iyo mushahar ah ka qaadan jirin dawladda.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda, Guddoomiye ku xigeenka Hay’add shaqaalaha dawladda Somaliland C/kariin Maxamed Xaaji Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo saraakiil kale oo wasaaraddaasi ka tirsani ay weheliyaan, ayaa kulan ay Xarunta wasaaradda Waxbarashaddu Hargeysa ku leedahay ku qabteen, waxay ku soo bandhigeen inay dawladdu diwaanka shaqaalaha rasmiga ee mushahaar qaadashada ku dartay 400 Macalimiin aan hore uga tirsaneyn shaqaalaha dawladda wax mushahaar ama guno ahna aan qaadan jirin oo la shaqaalaysiiyey.

Agaasimaha guud ee Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Abakor Maxamed oo ugu horreyn ka hadlay kulankaasi ayaa yidhi “Runtii 400 boqol ee macalimiinta ay dawladdu shaqaalaha dalka ku dartay waxay iskugu jiraan 2 qaybood oo qaarna hay’addo ayaa wax siin jiray gaar ahaan hay’aad na la shaqeeya, qaarna bulshaddu waxay siiso mooyaane hay’ad iyo dawlada midna wax kamay qaadan jirin, marka kuwii hay’adduhu Kabka siin jireen qayb ka mida macalimiintaasi oo kuwii ay mashaariicdii ay hay’addaha kala shaqayn jireen ka dhamaadeen qaar ka mida ayaanu kala wareegnay oo dawladdu shaqaale u dawladdeed u qaadatay”

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna ka hadlay inay dawladdu waddo qorshe macalimiinta dalka lagu tayeynaayo si dhinaca aqoonta ay Somaliland uga horumaraan waxa uu yidhi “Qaranka Somaliland waxa uu soo maray mar xalado badan waxaana aynu maanta soo gaadhnay mar xalad aynu mushahaarka u qoro macalimiinteena hadba intii awoodeenu inoo gaadho , waxa kale oo jirta si waxbarashaddeenu heerka aynu dooneyno ay u gaadho, waana in macalimiinta dawladda iyo kuwa gaarka ahba la tababaro iyada oo tayeynta macalimiinta dib loogu noqday loona furay machad macalimiinta tababarkooda u gaara ujeedadani aanu ka leenahaynay ahay tahay si aynu macalimiinteena u horumarino si qarankeena Somaliland u noqdo mid aqoontiisu horumarsan tahay”

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ka hadlay inay guul qaranka Somaliland u tahay 400 macalimiin aan hore shaqaalae dawladdeed u ahayn lagu daray diwaanka shaqaalaha dawladda ee eek u jira Miisaaniyadda qaranka dalka waxaanu yidhi “Waxa wax weyn oo farxada runtii in 400 macalin oo cusub oo aynu ku darayno diwaanka shaqaalaha dawladda ee Barayroolka, laakiin waxa xusid mudan inay jiraan waliba macalimiin kale oo u baahan in aynu shaqaalaysiino, laakiin 400 ee macalin ka hay’ad shaqaale ahaan waanu idinka aqbalay iyada oo 2019-kii oo aynu hada fooda la gelayno waxaanu shaqaaleyn doona tiro kale oo badan oo macalimiin ah oo aanu iyagana aanu la kaashanayno oo isla eegi doono kolba sida ay wasaaradda maaliyaddu dhaqaale u hayso, waxa aanu helnay xogta dhabta ah ee Macalimiinta bilaa gunada ah , waxa aanan wasaaradda waxbarashada kala hawl-geli doonnaa in marba tiro badan la shaqaaleeyo si loo dhiirigeliyo macalimiinta dalka”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply