“Hay’adaha Waxaanu Kula Shaqeynaa Xeerarka Somaliland” Wasiirka Qorshaynta

0
719

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka ayaa hay’addaha caalamiga ah, kuwa qaramadda midoobay ee ku sugan Somaliland in ay kula shaqeeyaan xeerarka qaran ee u dejisan Somaliland.

Wasiir Cawaale Ibraahim Shirwac, waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah uu ka dhexeeyo hannaan wada shaqayneed oo dawladnimo iyo mid hay’addo.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in aanay suuragal ahayn in xafiis hay’adeed oo ku yaalla dal kale laga maamulo xafiis hay’adeed oo ku yaalla Somaliland, taasoo ka baxsan qarannimada Somaliland meel ka dhac-na ku ah qaranka Somaliland.

Wuxuu sheegay in Somaliland iyo hay’addaha caalamiga ah iyo dalalka caalamku in ay u wada dhaqmaan hannaan dawladeed oo madaxbannaan taasoo ah mid lama taabtaan ah.

Wasiirka oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa kale oo uu sheegay in maalmaha soo socda ay imanayaan Somaliland weftiyo heer caalami ah oo ka socda Hay’addo kala duwan oo ka hawl gala Somaliland.

Isagoo xusay in ay Soomaaliya ka wada hadli doonaan mashaariicda horumarineed ee Hay’addaha caalamiga ahi ay kala shaqeeyaan Somalilland.

Waxaanu yidhi “Somaliland 27-kii sano ee ugu dambeeyay waxay la shaqaynaysay hay’ado tiro badan oo isugu jira hay’addaha Qaramada midoobay iyo hay’addaha kale ee Caalamiga ah.

Waxa kaloo aynu xidhiidh la leenahay wadamada caalamka markaa waxba iskamay bedelin xidhiidhkii aynu la la hayn hay’addaha dalka ka hawlgala Somalilandna waa dal madaxbannaan”.

“Waxaanu heshiisyada kula galnaa oon ku wada shaqaynaa hay’adaha xeerarka Somaliland u dejisan,marnaba suuragal noqon mayso in xafiis waddan kale joogaa oo hay’adi leedahay laga maamulo xafiis Somaliland hay’adi ku leedahay.

Wada shaqayntayadu waxa weeye in ay joogaan hay’aduhu dal madaxbannaan oo la yidhaahdo Somaliland waxaanan ku faraxsannahay in hay’adduhu ay u joogaan Somaliland dal madaxbannaan oo go’aan qaatay 27 kii sannadood ee ugu dambeeayay wax badanna way qabteen.

Sanadka cusub dawladda Somaliland waxa u qorshaysan inay sii dardar geliso wadashaqayntii ay la lahayd Hay’addaha Caalamiga ah iyo wadamada caalamka toddobaadka soo socdana waxa dalka iman doona weftiyo sare oo ka socda hay’adaha caalamiga ah si aanu sii dardar gelino xaga wax ka qabashadii xaga horumarinta dalka Somaliland”ayuu yidhi wasiir Cawaale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply