Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Soomaaliya

0
774

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay wasiirka ciyaaraha Soomaaliya Qadiija Maxamed Diiriye oo sheegtay in kooxo Somaliland ka socda ay sugayaan oo Muqdisho ku ciyaari doona.

Wasiir Boos, ayaa madaxda Soomaaliya u soo jeediyay in ay dadkooda wax u qabtaan oo ay dhibaatada haysata ka saaraan kana sahqeeyaan nabad gelyada dadkooda oo ay uga naxaan dhibaatooyinka iyo dhiigga maalin kasta daadanaya ee shacabkoodu ku dhimanayo.

Waxaanu intaa ku daray in Somaliland iyo Soomaaliya ay laba kala yihiin caalamkuna uu ogyahay oo taasi aanay cidna ka qarsoonayn isla markaana xukuumadda Somaliland ay dalkeeda ka dhistay garoomo casri ah oo ku qalabaysan roogga doogga ah ee lagu ciyaaro, isla markaana uu hadda dalka Somaliland ka socdo horyaalkii kooxaha heerka koobaad oo todobaadkan ka furmay magaalada Boorama xarunta gobolka Awdal.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Wax cusub maaha in ay ku hadaaqaan oo ay yidhaahdaan Somaliland ayaanu keenaynaa oo Xamar ku ciyaari doonta,halkay wadankooda nabad uga samayn lahaayeen, maalin walba boqol boqol ayaa ku dhimanaya iyaguna gawaadhi iyo askar ayay ku dhex wataan, dawladaha iyo ururada ciyaaraha ayay ku soo shaxaadaan oo yidhaahdaan ciyaaro ayaanu qabanaynaa.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “Somaliland waa dal la yaqaano beenta ay shacabkooda ka iibinayaan ha ugu sii darina dhibaatada kale ee haysata ayaan leeyahay,waxaana habboon in gudahooda wax ka qabtaan beesha caalamka iyo dunidu way kala garanaysaa Somaliland iyo Soomaaliya,anagu halkan uma fadhino in aanu beesha caalamka ka soo qaadano shaxaad yar, annagu(Somaliland) waxaanu halkan u fadhinaa wax qabad joogto ah inta cirka iyo dhulku isku jiro ayaan isku jirnaa Soomaaliya,markaa waxaan usoo jeedinayaa in ay dadkooda nabad u hor seedaan halka ay ku mashquulayaan in ay Somaliland Carrabka ku celceliyaan.”ayuu yidhi wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply