Waxgaradka iyo Culimada Xaafada New Hargeysa oo Taageeray Xayiraadda la Saaray Hotelka Beerta Libaaxyada

0
747

Hargeysa (Dawan)- Qaar ka mid ah, waxgaradka, culimo aw diinka iyo dadweynaha xaafadda New Hargeysa ee Magaalada Hargeysa, ayaa soo dhaweeyey tallaabadii ay Xukuumaddu ku xayirtay saacadaha shaqo ee hotelka Beerta Libaaxyada.

Odayaasha, waxgaradka iyo culimada degmada Gacan Libaax ayaa xukuumadda ku ammaanay go’aankii ay tallaabada kaga qaaday Hotelka Beerta Libaaxyada oo ay dadka deegaanku hore uga muujiyeen cabasho la xidhiidha dhaqamada aan wanaagsanayn ee ka dhaca gudaha Hotelkaasi.

Waxgaradka iyo culimo aw diinka xaafaddaasi waxa ay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo si wada jir ah ugu qabteen magaalada Hargeysa waxaana hadalladoodii ka mid ahaa “Waxaanu diidannahay shay kasta oo macsi ah ama xumaan ah iyo shay walba oo munkar ah. Hotelka Libaaxyada xaafadu aad ayey uga cabatay, waxaana caddaatay in ay ka dhacday dambi iyo dunuub waaweyn oo macsi wata, cid kasta oo arrinta wax ka qabatay oo kow uu ka yahay Madaxweynaha Somaliland, laamaha ammaanka iyo maxkamadda waan u mahadnaqaynaa.”

Culimada iyo waxgaradkii shirkaasi ka hadlay waxa ay intaasi raaciyeen “Hoteelka si gaara looma haysto, waynu ognahay inta hudheel ee Somaliland ku yaalla, waxna kagama duwana, laakiin isaga ayaa iska duway oo shaqadiisa iyo wixii lagu sameeyey ayaa ka duway wixii lagu dhex arkay ee umaddaasi aragtay ayaa ka duway. waxaanu xukuumadda ku dhinac taaganahay ammaanka, waxaanan ku taageersanahay talaabadaa sharciga ah ee ay qaaday.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply