Safiirka Cusub ee Itoobiya oo Maanta Shaqada ka Bilaabaya Hargeysa

0
933

Hargeysa (Dawan):- Safiirka Cusub ee dalka Itoobiya u soo magacaabeen Qunsuliyadooda guud ee Somaliland, ayaa shaqadiisa maanta ka bilaabaya xafiiskiisa Hargeysa.

Safiir Shamsudiin Axmed Rooble oo si weyn looga yaqaan dalka Itoobiya ayaa la saadaalinayaa inuu ka shaqeeyo sii xoojinta xidhiidhka labada waddan ee Itoobiya iyo Somaliland wadaagaan.

Ambassador Shamsudiin, oo hore uga soo qabtay dalkiisa xilal ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Xildhibaan Baarlamaan, Safiirka Itoobiya ee dalalka Kenya iyo Jabuuti, ayaa badhtamahii bishii December loo magacaabay Qunsulka Itoobiya ee Somaliland.

Qunsulka Cusub ee Itoobiya Ambassador Shamsudiin Axmed Rooble oo ah dublamaasi Soomaali Itoobiyaan ah ayaa ka soo jeeda gobolka Jigjiga iyo Awdal, waxaanu bedelay Qunsulkii hore Brig Gen Berhe Tesfay oo muddo dheer dalkiisa u fadhiyey caasimada Somaliland Hargeysa.

Dhamaadkii sannadkii hore ayay aheyd Markii dalka Itoobiya dib ugu yeedhay Qunsulkii hore ee Itoobiya u joogay Magaalada Hargeysa, taas oo dadka qaarkood ku macneeyeen inay horsdeed u tahay tallaabo Itoobiya ku yaraynayso siyaasadeedii la macaamilka Somaliland, balse Wasaarada Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Qunsulkii hore Itoobiya ayaa labaduba beeniyay hadalkaas, waxaanay magacaasibta safiir Shamsudiin gebi ahaanba meesha ka saartay hadalhaynta arrimahaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply