Digniin loo Diray Ardayda sannadka u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga

0
778

Hargeysa  Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa fariin u dirtay dugsiyada gaarka loo leeyahay ,Waalidiinta iyo ardayda Sannadkan u fadhiisanaysa Imtixaanka shahaadiga ee Fasalada afaraad iyo Sideed .

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa soo saaray qodobo tabanaaya ardayda sannadkan u fadhisanaysa Imtixaanka shahaadiga ,waalidka iyo dugsiyada waxbarashada dugsiga sare kusoo kooba saddexda sanno . “Ardayda Saddex sanno dhigta waxbarashada dugsiga sare ma geli doono Imtixaanka shahaadiga ee sannadkan, arday aan shahaadadiisi dugsiga dhex aan lahayna  oo tixraacisa aan lahayna Imtixaan Fasalka afaraada u fadhiisan maayo , arday walba xataa hadu Fasalka sideed dhammaystay fasalkiisa todobaad ayan kasoo badhaynaa waa la hubinayaa“

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dugsiyada weli wada nidaamka waxbarashada gaaban ee ardayda saddex sanno loogusoo kooba waxbarashada dugsiyada sare

“Waxaanu ognahay in dugsi badan ay weli arday saddex sanno ugu dhammeeyan waxbarashada dugsiga sare  arrintaana laba sanno  ba arday badan ayaa lagu reebay , adhigu shugux shugux kama ilbaxo waalidka iyo ardaydu  waa in ay ka ilbaxaan Maamul doonaaya inuu lacag ka furto si saddex sanno waxbarashada dugsiga sare ugu dhammeeyo “

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply