Wasiirka Difaaca Somaliland oo Jawaab Adag ka bixiyay Hadal ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Cusub ee Puntland

0
1071

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee loo doortay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo  gef badheedh ah Somaliland kula kacay, isla markaana sheegay in Somaliland ay ku soo duushay oo ay qabsatay dhul ka tirsan maamulkiisa.

Wasiirka difaaca Somaliland ayaa caddeeyay in mar kasta Somaliland ay diyaar u tahay nabad gelyada dalalka deriska oo ay ka mid tahay Soomaaliya, isla  markaana Somaliland ay jeceshahay in Soomaaliya ay xasilooni hesho oo nabad gelyo  ka aslaaxdo, oo ay noqdaan laba dal oo deris ah oo is kaashi wadaaga.

Waxaa kale oo uu digniin u diray madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay, waxaanu xusuusiyay in Somaliland ay tahay dal ka mid ah dalalka caalamka oo ay ku dhisan tahay xuduudaha sharci ee qaaradda Afrika dalalka ka  kala dhigay ee ay ku yihiin waddamada la aqoonsan yahay oo ah soohdimihii sharci ee ay kala lahaayeen xornimadooda ka hor, taas oo ah mid u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo ah xuduuddii ay kala lahaayeen Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray iyo Somaliland oo xorriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska.

Wasiirka oo ugu horrayn talo u jeediyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa cusub ee loo doortay maamulka Puntland ee Soomaaliya,ayaa yidhi. “Waxaanu ka rejaynaynaa in ay noqdaan madaxweynaha iyo  ku xigeenkiisa cusub ee loo doortay gobolada Punland ee Soomaaliya in ay noqdaan horu wadeyaal ka shaqeeya nabad gelyada iyo xasiloonida deegaanadaas oo ay dadkooda u adeegaan.”

Wasiir Xawar oo ka jawaabayay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha loo cumaamaday maamulka Garoowe,ayaa yidhi. “Somaliland waa qaran  ku jira oo ku dhisan xuduudihii sharci ee ay xornimada ku qaadatay 26 Jun 1960-kii. oo ay laba dal ku kala ahaayeen Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysanayay iyo Somaliland oo xornimadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, laakiin haddii uu leeyahay  isir qabiil ayaan dhul ku doonayaa dee qabiilkiisu kililka shanaad ee Itoobiyana wuu degaa, waqooyi bari Kiiniyana wuu degaa, meelo kale oo Soomaliya ka mid ahna wuu degaa sida Kismaayo oo kale e horta kuwaa ha ku soo daro maamulkiisa.”

Wasiirka oo ka hadlayay waxa Somaliland uga qorshaysan nabad lagu wada noolaado,ayaa yidhi. “waxaanu aaminsannahay  Soomkaali meel kasta oo ay joogto waa dad ehel ah walaalo ah isku dhaqan ah oo wada dhashay,qarnigan aynu joogno khilaafaad, is dil iyo wiil dhinta daafad uma hayno. Dalalka Soomaalidu ay degto nabad iyo xasilooni ayaanu jecelnahay in aanu ku wada noolaano, Punland waa dadkayagii waa walaalahayo xumaan uma qabno haddii laga helayo   in nabad lagu wada noolaado lagu wada ganacsado is dhex gal umadeed iyo mid ganacsi iyo iskaashiba diyaar ayaan ula nahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply