Saddexda Xisbi Siyaasaddeed Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Kulankii Ay La Qaateen Golaha Guurtida Iyo Waxyaalihii Ay Ka Wada Hadleen.

0
692

Hargeysa(Dawan)Xisbiyadda Siyaasadda ee Somaliland ee KULMIYE UCID Iyo WADDANI ayaa ka hadlay kulan ay maanta la qaateen Golaha Guurtida Somaliland  .

Xisbiga KULMIYE oo uu ugu horeyn u hadlay Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in ay Golaha Guurtida u gudbiyeen sidii doorashadda Goleyaasha Wakiiladda iyo Degaanka loo qaban lahaa Sannadkan aynu ku jirno ee 2019-ka.

Sidoo kalena Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID  Cabdirashiid Xasan Maxamed oo ka hadlay go’aankii ay u gudbiyeen Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan u gudbiyeen Gudidii Golaha Guurtida Somaliland ay dhowaan u saareen kazoo talo bixinta Qabsoomida Doorashooyinka Wakiilada iyo Degaanka in ay diyaar u yihiin in ay doorashooyinkaasi dhacaan sannadkan aynu ku jirno ee 2019-ka dhexdiisa .

Xisbiga WADDANI ayaan isagu ka hadlin waxyaalihii ay u gudbiyeen Guddidaasi Golaha Guurtidu u saaray arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada iyo Degaanka  ee la filaayo in ay sannadkan dabayaaqadiisa dhacdo.

Hoos Ka Daawo Muqaalka Warkan.

Leave a Reply