Ajaanibka Ku Dhintay Weerarkii Nairobi Oo Tiradooda La Shaaciyey .

0
654

Nairobi(Dawan)Inta ilaa hadda la xaqiijiyey laba qof oo ajaanib ah ayaa ku dhimatay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Dusit ee magaaladda Nairobi oo ay weerarkiisa sheegatay Kooxda ALshabaab.

Saraakiisha Maraykanka ayaa xaqiijiyey in ay weerarkaasi ku dhinteen dad muwaadiniin Maraykan ah , kuwaas oo tiro ahaan dhan hal qof, halka uu qofka kalena yahay  Ingiriis.

Waxa kale oo ku dhintay weerarkan 11 qof oo dalka Kenya kazoo jeeda, kuwaas oo kamid ahaa dadkii Hudhelkaasi ku jiray iyo kuwo kale oo ay la kulmeen qaraxyadii Hudheelkaasi ka dhacay , ilaa haddana ciidamada dawlada Kenya ee amaanka ayaa ku guda jira soo afjarida Weerarkan .

Leave a Reply