Maamulka Gobolka Selel Iyo Ka Degmada Saylac Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Cusub Oo Gobolkaas Laga Hirgeliyey.

0
906

Saylac(Dawan)Badhasaabka gobolka Selel Mawliid Maxamed Nuur iyo duqa magaalada Saylac Sacad Daahir Cige iyo qaar kamid ah xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Saylac ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey degaano hoos yimaada gobolka Selel .

Mashaariicdan ayay  intooda badan fuliyeen Golaha degaanka ee degmada Saylac ,goobaha ay maamulka iyo madaxda gobolka iyo degmada Saylac indho indhaynta ku tageen waxa kamid ah dhakhtarka magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel oo lagu sameeyey dib u habayn  iyo dayac tir baahsan.

 

Leave a Reply