Waxa Maanta Xabaalaha Masalaha Ee Magaaladda Hargeysa Aas Qaran Loogu Sameeyey Marxuum Gashaanle sare Yuusuf Cabdi Oday Oo Xalay Hargeysa Ku Geeryooday.

0
1009

Hargeysa(Dawan)Alle ha u naxariistee waxa maanta xabaalaha Masalaha ee magaaladda Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyey Marxuum  Gaashaanle Sare Yuusuf Cabdi Oday  oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee ciidamada Booliska Somaliland .

Waxaana Aaskaasi Qaran ee loo sameeyey Marxuumka kasoo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Xukumadda Somaliland oo uu hogaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed , Masuuliyiin ka socday Axsaabta siyaasada Somaliland ,Siyaasiyiin  Iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ,taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle , saraakiisha ciidamada Booliska ,xubno  ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland iyo shacab tiro badan .

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horeyn goobta Aaska ka hadlay ayaa tacsiyadeeyey geerida Marxuumka shacabka Somaliland, Ciidamada Booliska iyo ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay , isaga oo ka sheekeeyey taariikh nololeedkii Marxuum Gaashaanle Sare Yuusuf Cabdi Oday .

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman iyo taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa ku sifeeyey Marxuum Gaashaanle Sare Yuusuf Cabdi Oday shakhsi Ahlu Diin ah  qayb weyna kasoo qaatay halgankii dalkan loo soo galay iyo dhismihii ciidamada Booliska Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) iyo siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jowaan)  ayaa iyaguna halkaasi uga duceeyey Marxuum Gaashaanle Sare Yuusuf Cabdi Oday oo  ka tirsanaa saraakiisha sare ee ciidamada Booliska Somaliland habeenkii xalay ahaana magaaladda Hargeysa ku geeryooday .

Leave a Reply