Dawladda Hoose Ee Degmada Caynaba Oo Awaamir Cusub Soo Saartay.

0
661

Caynaba(Dawan) Dawladda hoose ee degmada Caynaba ayaa awaamiir kusoo rogtay shacabka degmadaasi, iyada oo lagu amray shacabka in ay soo bixiyaan Cashuuraha xaqa loogu lee yahay ee ku maqan.

Maayir ku xigeenka degmada Caynaba Nuur Iidle Ducaale iyo xubno kamid ah xildhibaanada Golaha Degaanka ee degmada Caynaba oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Golaha degaanka ee  Caynaba ayaa shacabka degmadaasi sidoo kale ugu baaqay in ay magaaladda dhexdeeda ka saaraan Xoolaha lagu dhex dhaqdo.

waxaanay shacabka degmada Caynaba iyo gobolka Saraar la socodsiiyeen in maalinta berri ah ay bilaabi doonaan cashuur ururin balaadhan oo ay ka bilaabayaan degaanadda gobolkaasi oo ay ugu horeyso degmada Caynaba.

Leave a Reply