Ciidamada Afganistan Oo Laayey Maleeshiyad Daalibaan Ka Tirsan .

0
826

Kabul(Dawan)Ciidamada dawladda Afgaanistan ayaa sheegay in ay ururka Daalibaan ka dileen maleeshiyaad ka tirsan ururkaas , kuwaas oo tiradoodu gaadhayso 7 askari , sidoo kalena ay ka dhaawaceen ilaa saddex dagaal yahan oo kale .

Weerarkan ayay fuliyeen ciidamada Cirka ee dalka Afganistan iyo ururka NATO , kuwaas oo lala beegsaday kolayo gawaadhi ah oo ay Daalibaan lee dahay , sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Khama oo uu warkan kazoo xigtay wargeyska Dawan .

Ciidamada Cirka ee Afganistan iyo NATO ayaa saaka ilaa saddex weerar ku qaaday  degaanka Sarag ee gobolka Helmand , halkaas oo sidoo kalena ururka Daalibaan lagaga dilay afar dagaalyahan , sidoo kalena lagaga dhaawacay  4 kale.

Sidoo kale ciidamada ayaa gobolkaLashkar Gah k u dilay mid kamid ah ciidamada Daalibaan , sidoo kale gobolka Kapisa  ayay ciidamadu ku dileen laba askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Daalibaan.

Ciidamada dawlada Afganistan ayaa xoojiyey weerarada ay ku hayaan ururka Daalibaan oo iyaguna bilihii ugu dambeeyey weeraro ku hayey ciidamada dawladda  Afganistan.

Leave a Reply