Shilalkii Ugu Badnaa Oo Ka Dhacay Dalka Hindiya Oo Ay Dad Ku Dhinteen, Kuwo Kalena Ku Dhaawacmeen .

0
679

New Delhi(Dawan) ugu yaraan  sideed qof  ayaa ku dhintay , sidoo kalena dad kale oo badan ayaa ku dhaawacmay shil gaadhi oo ka dhacay wadanka Hindiya , iyada oo shilkani noqday kii ugu khatarta badnaa ee sannadkan cusub dalkaasi ka dhaca.

Mid kamid ah gawaadhida waaweyn ee xamuulka ayaa jiidhay gaadhi bas ah oo dad siday, kaas oo ka yimid degmada Baligoda  oo ka tirsangobolka Kandamal , sidoo kalena ku socday Odysha gobolka lagu magacaabo, waxaana dhaawacu ilaa hadda marayaa 25 qof.

Sida uu wargeyska Dawan kazoo xigtay telefishanka India Tv waxa dhaawac dadkaasi loo qaaday  cisbitaal ku yaala degaankaasi oo lagu daweynaayo, sidoo kale degaanka Belasur oo ka tirsan gobolka Himachal Pradesh waxa  ka dhacay shil gaadhi oo uu sababay Bas wadada ka baxay , kaas oo  ay ku dhaawacmeen  dad gaadhaaya ilaa 26 qof, waxaana dhaawacoodu khatar yahay 8 qof .

 

Leave a Reply