Guurtida oo Iska Leexisay Muddaynta Qabashada Doorashada Wakiiladda

0
664

Hargaysa (Dawan):- Golaha guurtida Somaliland, ayaa iska leexiyay muddaynta iyo cayimaadda maalinta doorashada gollaha wakiillada la qabanayo.

Waxa kale oo golaha guurtidu uu dhan iskaga duway muranka ka taagan guddida doorashooyinka qaranka oo ay sheegeen in aanay qusayn isla markaana ay u taallo madaxweynaha qaranka iyo saddexda xisbi qaran.

Xoghayaha golaha guurtida Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi waxa kale oo uu ka hadlay xubno laga hor joogsaday fadhigii goluhu muddada ugu kordhiyay golaha wakiilada oo uu sheegay in loo maray xeer hoosaadka golaha guurtida.

Cabdinaasir Aadan Beegsi oo u waramayay Telefishanka BBC Somali oo ugu horrayn wax laga waydiiyay sababta Golaha Guurtida looga hor istaagay xildhibaano ka tirsan fadhigii Golaha Guurtidu ku meel mariyay muddo kordhinta Golaha Wakiilada ayaa waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi “Khilaaf ayaa ka dhex yimi mudadii gudidu u fadhiday muddo kordhinta Golaha Wakiilada taasina waxay keentay in Xeer hoosaadka Golaha Guurtida loo maro, waxaana ku jira, marka loo arko in khalkhal ku imanyo shir golulu leeyahay in si kasta oo looga hortagi karo looga hortago,waana arrin golaha Guurtida u taalla xeer hoosaadka ayaana loo eeegayaa arintaas.”

Waxa kale oo uu Cabdinaasir Beegsi uu sheegay in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay cayimaada wakhtiga la qabanayo Doorashooyinka. waxaana uu yidhi “Golaha Guurtidu waxay kordhiyeen muddo xileedka Golaha Wakiilada iyo muddada ay ka dhaamaynayso Golaha Wakiilada. cayimaadda wakhtiga la qabanayo Doorashada Golaha Wakiilada waxa awood u leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka, doorashada waxa qabanaya ciddii sharcigu u jideeyay.

Magacaabista Komishanka Doorashooyinku waa arrin u taalla Madaxweynaha laakiin Golaha Guurtida waxa ka khuseeya arimaha doorashada qodobada dastuurka ee 83 iyo 42 waa arrin u taalla qaranka sidii loo xalin lahaa cabashada Xisbiga Waddani ka muujiyay Komishanka Doorashooyinka waa arrin qaranka u taalla waxaanay xisbiyadu ku heshiiyeen in Doorashada Golaha Wakiiladu aanay dhaafin sanadka 2019 ka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply