“Cabdiraxmaan Cirro waxaan leeyahay waxa Talo kaaga baahan Xisbiga Waddani”

0
575

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, kuwaasi oo uu kaga hadlay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay u joojinayn Shacabka reer Awdal.

Wasiir Seed oo shalay Xafiiskiisa Shir jaraa’id ku qabtay ayaa yidhi “Cabdiraxmaan 12 Sannadood ayuu golaha wakiillada joogay oo uu guddoomiye ka ahaa, 12-ka sannadood wuxuu gacantiisa ku qoray 138 Shaqaale ah oo ka hawl-gala golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, 138-kaa waxa Awdal kaga jiray 6 xubnood.”

Wasiir Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Inta Cabdiraxmaan uu guddoomiyaha ka yahay Xisbiga WADDANI wuxuu magacaabay 120 xubnood oo hoggaanka iyo guddiga fulinta ee Xisbiga ah oo Xogheyayaasha Xisbigu ka mid yihiin, Awdal waxay ku lahaayeen Lix Xubnood.”

Axmed Muumin Seed, waxa uu intaasi raaciyay “Maalintii laga hadlayey saamiga gobolka Awdal ee 12-ka Xildhibaan dibedda u baxeen waxa lagu yidhi Xildhibaannadii reer Awdal dibedda ayay ku maqan yihiin, wuxuu yidhi la isku joojin maayo oo Shirku wuu soconayaa ayuu yidhi, markaa isaga oo intaas oo dhan soo maray inuu Shalay Fagaaraha ka yidhaahdo reer Awdal looma joojinayo ayaa la yidhi, Runtii waxay meel ka dhac ku tahay gobolka Awdal iyo Shacab-weynaha reer Somaliland ee maqlaya.”

Wasiirka beeruhu waxa uu ugu danbayn guddoomiyaha Xisbiga Waddani ugu baaqay in uu xisbigiisa talo u keeno, waxaanu yidhi “Cabdiraxmaan Cirro waxaan leeyahay waxa Talo kaaga baahan Xisbiga Waddani ee aad Guddoomiyaha ka tahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply