Hay’adda SVO oo Kulan Dardargelinta Nabadeynta Ah uQabatay Dhallinyarada Gobolka Sool

0
671

Laascaanood (Dawan):- Hay’ada Wadaniga ee SVO oo ka hawl gasha gobolada bariga Somaliland, ayaa magaalada Laascaanood ugu qabatay maalintii shalay kulan tababar ah dhalinyarada gobolka gaar ahaan dhallinyarada labadii beelood ee sanadkii hore dagaalku ku dhexmaray koonfurta gobolka Sool, kulankan oo ahaa mid ku saabsan sidii loo adkayn lahaa nabadda isla markaana loo dhiirigelin lahaa da’yarta labada beelood.

Kulankan oo socon doona laba maalmood waxaa iyaguna ka soo qayb galey guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe Maxamuud, Taliyaha qaybta booliska Gaashaanle Dhexe Saleebaan Ducaale Warsame, iyo xubno ka tirsan gudidii dabagalka heshiisyadii nabadeynta, waxaana ugu horreyn kulanka iyo ujeedada qabsoomidiisa furey Guddoomiyaha Hay’ada Cabdikariin Siciid Aw Cabdi waxaana ka mid ahaa hadaladiisa, ”Ugu horreyn waxay hay’adda SVO idiinka mahadcelinaysaa sida aad u ajiibteen codsiga, waxaanu ku saleysan yahay kulankani sidii aynu u adkayn lahayd nabaddii lagu soo tabcay, waxaanay ka duulaysaa waxyeeladii colaadda sanadkii hore ragaadisay gobolkeena sidaa awgeedna hay’adda SVO iyada oo aanay cidi ka taageerayn, dhaqaalena ku soo siin inay dhalinyaradii labada dhinac kulmiso si ay isu bartaan, sidoo kale lagu ogaado heerka nabadeyntii marayso, iyo ugu dambayn sidii dardargelin iyo dhiirigelin loo siin lahaa nabadda, iyada oo hay’adu ka hortagga ka doorbideysa ka daba tagga, ALLENA waxaynu ka baryeynaa in ay intii hore inagaga ekaato”

Dhinaca kale masuuliyiinta Gobolka Sool ee Guddomiyaha Gobolka iyo Taliyaha qaybta booliska ayaa si aad ah ugu mahadceliyey hay’adda iyo xilqaankeeda muhiimka u ah nabadeynta.

Ugu dambayn waxaa shahaado sharaf guddoonsiiyey hay’adda SVO gudidii dabagalka nabadeynta iyaga oo kulankaasna ka sheegay mudnaanta iyo waxqabadka ay hay’adu u leedahay gobolka illaa mudadii la aasaasay oo ah taariikh ku aadan 1992 dii, waxqabadkeeda gobolka Soolna uu yahay mid aan la illaawi karin tan iyo mudadaa sida ay sheegeen, waxaana shahaadada hay’adda ku guddoonsiiyey Guddomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe Maxamuud, iyadoo uu tababarkuna yahay mid dhalinyarada labada dhinac u socon doona muddo sadex cisho ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply