Warbixin: Sharcinimada Madax Bannaanida Somaliland Qaybtii 3aad

0
817

Hargeysa (Dawan):- Warbixin si tifatiran loogu bayaamiyey sharcinnimada madaxbanaanida JSL, saxnaanshaha dariiqa xukuumadu ku raadinayso iyo sida ay u waafaqsan tahay dhamaan shuruucda iyo qawaaniinta caalamka u degsan ayaa lagu baahiyey warbaahinta caalamka qaarkood.

Warbixintan oo cinwaan looga dhigay “Iska-Indho-Tirka Dacwada Somaliland, waa BOOG ku taal Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka” kana kooban toban bog, oo uu qoray Axmed J Yaasiin, laguna falanqeynayo kala duwanaanshahii Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland iyo dhinacii Gumaystaha Talyaanigu gacanta ku hayey ee Soomaaliya ka hor midnimadoodii iyo caddeymaha xuduudihii u kala dhexeyn jiray ka hor xornimadii ay labada dhinac ka kala qaateen Ingiriis iyo Talyaani, daliil cad-na ah oo manta u markhaati-furaya dooda JSL ee ku saabsan xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya, ayey qeybtii labaad ku bilaabmatay:

Safiirka Ingiriiska Ambassador Sir Plerson DIXON oo ka hadlayey codsiga Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa yidhi, “Wefdigaygu waxy ku faraxsan yihiin inay la wadaagaan Wefdiyada Talyaaniga Iyo Tuunisiya, taageerida codsiga Jamhuuriyadda Soomaaliya ku doonayso xubinnimmada QM. Waa dhacdo taariikhda geli doonta, oo kuwa gaarka ah ee ururkan noqon doonta.

Waxaan xilliyo badan ku soo dhoweynay Ururkan dalal badan ooh ore uga mid ahaan jiray dawladaha la korjoogyeeyo. Waxaan ku soo dhoweynay dawladaha ka soo qaatay xornimadooda dawlado kale. Laakiin manta waxaa inna horyaala midnimada maxmiyadii Somaliland, ee xornimada qaadatay 26 June iyo Soomaaliya, oo Talyaanigu maamuli jiray, lafteeduna xornimadii qaadatay 1da July.

1da July, 1960, labadii wadan ee xoroobay Somaliland iyo Soomaaliya waxay si xor ah u galeen heshiis iskaashi: Jamhuuriyadda Soomaaliya. Labada dhinac waxaan u diraynaa hambalyadayada sida ay u horumarinayaan madaxbanaanidooda. Annigoo ka wakiil ah labada dhinac ee hore u ogaa, waxaan si dareen dhab ah ugu sheegi karaa sida aan ugu qanacsan nahay in horumarkan muhiimka ah uu ku dhacay jawi xiiso iyo rabitaan wanaagsan ee loo aasaasay madaxbanaanida.

Go’aanka labadan dal ee madaxbanaan ugu gaadheen inay hal aqoonsi wada yeeshaan, waa arrin hogaamiyeyaasha iyo shacabkoodu keliya saamaynaya, annaguna ku kalsoon nahay inay guulaysato. Waxaan rajaynayaa in dalkan cusub sii waddi doono xidhiidhka saaxiibtinimo ee dhanaan dalalka derisyadooda.

Boqortooyada Ingiriisku waxay aqoonsatay dalkan cusub 1da July, waxaanan u dirnay xafladii madaxbanaanida Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr. John Profumo, oo gaadhsiiyey Madaxweyne Aadan C Cismaan.

Waxaan manta ka hadlaynaa aqbalaada codsiga xubinnimada ururka QM ee jamhuuriyada Soomaaliya, laakiin way haboon tahay hadaan si gaar ah uga hadlo qeybta Jamhuuriyadda Somaliland oo Boqortooyada Ingiriisku saaxiibtinimo dheer la lahaan jirtay oo marka loo eego aan aqoon badan badan u lahayn QM marka loo eego qeybtii hore Talyaanigu dusha uga maamuli jiray. Waxa mudan in halkan laga sheego in Somaliland horena waaya-aragnimo ugu lahayd qeybo ka mid ah shaqooyinka QM, tan iyo markii Ururka Caafimaadka Aduunka iyo Sanduuqa Caruurta ee QM gacan kaga geysteen sidii baadhitaano laga sameeyey. Waxaan aad uga mahadcelinayaa taageeradaa loo geystay. Waxaan qaba ainay faa’iido u leedahay Golaha hadaan si kooban u sharaxo nidaamkii ay u mareen madaxbanaanida qarankaa ee todobaadkii hore. Golaha Fulinta iyo Xeer-dejiyeyaasha waxa la aasaasay sannadkii 1955-kii, waxaanan la kulmay markii koowaad bishii May. 1957-kii. Doorashadii u horeysay waxa la qabtay bishii March, sannadkii 1959-kii.

Safiirka Tuuniisiya Slim oo hadalka qaatay ayaa yidhi: Golaha Amaanka manta waxa horyaala codsiga Jamhuuriyada Soomaaliya si loogu ogolaado xubinimada QM. Waxa la sameeyey 1dii July, 1960, iyadoo loo maray midowgii Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland iyo dhulkii hore ee hoostegi jiray maamulka Talyaaniga. Jamhuuriyada soomaaliya waxay gashay nolol caalami ah oo leh dhamaan sifooyinka dal madaxbanaan.

Kulankii 846, qodobkiisa 20aad oo dhacay 20 September, 1960-kii, ayaa laga hadlay sidii loo aqbali lahaa, nidaamka gaarka ah ee wax ka qabashada arrintan oo kale hore ayaa ajendaha looga hadlay, sababta aan u soo jeedinayno waa in la siiyo dawlada cusub ee xubinimada Ururkan soo codsaday fursadaha ka qeybqaadashada hawlahan ururka. La soco caddadka dambe Insha alaah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply