Hay’adda Laanqayrta Cas Oo Ka Digtay Qalabka Robotka Ay Shirkaduhu Soo Saaraan.

0
1220

Hargeysa(Dawan)Madaxa shaqaalaha ee hay’adda ICRT ayaa usoo jeediyey wadamada Caalamka in ay qawaaniin iyo xeerar u sameeyaan qalabka Robotka loo yaqaano oo ay sheegeen in ay sababi karaan dhimasho iyo dhaawac ay dadka u geystaan , sidoo kalena waxa ay ku tilmaameen qalab loo adeegsan karo siyaalo khaldan.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee hay’addaasi Yves Dacord ayaa isna ka digay  horumarka xawaaraha ku socda ee lagu samaynaayo qalabkaasi Robotka ,kaas oo uu sheegay in dadku ay u adeegsadaan inay hawlohooda ku qabsadaan , laakiin ay dhici karto in ay isu adeegsadaan dagaal ahaan .

“ in la sameeyo Robot lagu hubeeyey hubka ciidamada Military-ga loogu talo galay , waxa uu keeni karaa dhibaato badan oo dadka soo gaadhi karta, madaama oo aanu lahayn meel loo tix raaco “. Ayuu yidhi M Dacord .

Dacord oo u waramaayey website-ka Newshub ayaa sheegay in  ay khatar tahay  qalabkaasi hubaysan ee ay warshaduhu soo saarayaan, sidoo kalena aanay dhaqan ahaan haboonayn in qalabkaasi hab dagaal loo adeegsado .

“ Qalabkani ma samayn karo miqyaas sax ah xaaladaha adagna qaraar ma qaadan karo sida bani’aadmiga , isaga oo si fudud u geysan kara dil iyo khasaare kale oo naf iyo maaliyadba leh”. Ayuu yidhi Mr Decord.

Leave a Reply