ka Amiirka Dhaxalka Boqortooyadda Leh Oo Iyada Oo Aan Xijaabnayn Kasoo Muuqatay Goob Xaflad Ah Markii Ugu Horeysay.

0
1828

Hargeysa(Dawan)Xaaska amiirka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan  Sarah Bintu Mashhuur ayaa markii ugu horeysay kazoo muuqatay goob xaflad lagu qabanaayey iyada oo aan xijaabnayn, taas oo si weyn uga yaabisay dadka reer Sucuudi Carabiya.

Warbaahinta dunnida iyo baraha Bulshadu ku xidhiidho ayaa si weyn loogu qaadaa dhigay Amiiradan uu dhaxday Dhaxal Sugaha Sucuudiga , waxaanay kazoo qayb gashay munaasibada lagu magacaabo Mashraq2 ,  taas oo ay lacagtiisa bixisay iyadu , waxaana munaasibadan lagu qabtay  xarunta Taariikhaha ee Boqor Cabdulcasiis  oo magaalada Riyaad ku taala.

Warbixino lagu qoray wakaaladaha Wararka qaarkood iyo goobaha xidhiidhka Bulshada oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in munaasibadan ay Amiirad Saarah kazoo qayb gashay ay bilaabantay maalintii Salaasadii , iyada oo dhamaatay maalintii Khamiistii , waxaana lagu soo bandhigay  waxyaalo ka hadlaaya Arrimaha Bulshada,Dhaqanka  iyo  arrimo ku saabsan Sucuudiga .

Sawir qaadeyaasha ayaa hore mamnuuc uga ahaan jiray goobaha ay dumarku isugu yimaadaan, iyada oo loo ogolaaday sawirada Amiirada  sannadkii 2008-kii oo uu guursaday Amiir Maxamed Binu Salmaan gabadhan , waxaana waqtigaasi kadib uu boqor Salmaan Binu Cabdul casiis soo saaray qoraal mamnuucaaya in lasoo bandhigo sawiradda Dumarka, gaar ahaana Dumarka reer boqor.

Leave a Reply