Kulmiye oo Caddeeyay in Qaranku Ku Iibsamayo Doorasho Dalka Ka Qabsoonta

0
787

Hargeysa (Dawan):- Xisbiga KULMIYE, ayaa caddeeyay in Somaliland ay ku iibsami karto doorasho dalka ka qabsoonta taas oo dan u ah dhammaan qaranka Somaliland, asxaab iyo bulshoba.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE mudane Axmed Cabdi Dheere, oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxa kale oo uu meesha ka saaray in xisbiyada KULMIYE iyo UCID in ay dalka afduubayaan sida xisbiga WADDANI uu ku eedeeyay, taasoo uu sheegay in ay tahay waxba kama jiraan.

Ugu horrayn guddoomiye Axmed oo ka hadlyay muddo kordhintii guurtidu u smaysay golaha wakiilada,a yaa yidhi. “Annagu haddii aanu nahay xisbiga KULMIYE, mowqifkayaga hore ayaanu u sheegnay oo waxaanu dooneynaa inay doorashadii dhacdo oo mar iyo laba iyo saddexba aanu ku celiney, 2019-ka in aanay inala dhaafin doorashadu way wanaagsan tahay shacabka Somaliland iyo qaddiyadeenna ayay u wanaagsan tahay, qoraalkii aanu u gudbiney golaha guurtidda muddo kordhinta iyaga ayaa iska leh, waxaanu ka codsaney haddii ay guurtidda yihiin inay Somaliland maanta u hiiliyaan, oo doorashadu qabsoonto 2019-ka maaha KULMIYE iyo UCID oo kaliya waxaanu isku raacney in doorashadu dhacdo 2019-ka, tiina way noo aqbaleen aad iyo aad ayaanu u hambalyaynayna golaha guurtida, tudhaalaha iyo sida ay sameeyeen, iyo tixgalinta ay tixgaliyeen codsigayagii”

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in ay wada hadalkii dib ula bilaabaan xisbiga mucaarodka ah ee Waddani,waxaanu yidhi “Guddoomiyaha xisbiga WADDANI waxaa uu yidhi waxaanu raali ka nahay in doorashadii dhacdo, waxaanu jecellahay in wada hadaladii aanu mar labaad bilowno, shacab aanu afduubeynaana ma jiro, shacabkana waxaa aanu dooneynaa inay doorasho galaan, golayaasha mudda dhaafka ah inay inoo qabsoonto saddexda xisbi iyo bulshaweynta reer Somalilandba waxaa u wanaagsan doorashadii inay dhacdo, markaa afduub maaha ee waa waxtar aanu u tareyno shacabka”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply