Hay’adda Dhawrista oo Xidhay Cilaaj Hargeysa Ku Yaalla

0
578

Hargeysa (Dawan) Hay’adda dhawrista tayadda Somaliland ayaa xidhay cijaalka ku yaalla Hargeysa oo ka mid ah cilaajyada lagu daweeyo dadka xanuunsanaya

Hay’adda dhawrista tayada ayaa sheegtay in au xidhay guud ahaan ganacsiga cilaajka Al-Huda Herbel Medicine oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Waxaaney sheegeen in xadhiga xaruntani uu la xidhiidho kadib markii ay wadanka soo galiyeen Capsul madhan, oo khatar caafimaad ku keeni karta bulshada qaybaheeda kala duwan,isla markaana ay soo gudbin kari waayeen waraaqo sax ah oo caddaynaya dawooyin hore hay’adda dhawrista tayadu caddayntooda soo waydiisay.

Warqadda xarunta Al-Huda Herbel Medicine lagu xidhay oo ka soo baxday hay’adda dhawrista tayada oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf,ayaa u dhignayd sidan.”Anigo tixraacaya xeerka hay’adda dhawrista tayadda qododbkiisa sagaal iyo sodonaad (39-naad) ee dambiyadda ciqaabaha sheegaya qofka lagu helo inuu soo saaray si warshadaysan, soo dajiyay, qaybiyay, iibiyay, ama si uun uga ganacsaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland gudihiisa badeecad aan waafaqsanayn Heer-tayeedka la waajibiyay ee xeerkani jidaynayo oo lagu ilaalinayo wax kasta oo bulshada u keeni kara caafimaad darro.

Waxaa jirtay inaad wadanka soo geliseen oo waliba qariseen Capsul madhan oo aan wax daawo ahi ku jirin, kaas oo khatar ku keeni kara bulshada reer Somaliland.

Capsulka madhan waxaanu ogsoonnahay in lagu gurayo daawo aan la garaneyn waxay tahay, taasi oo khatar kale ku noqoneysa caafimaadkii bulshadda.

Waxaa jirtay in dawooyin kale oo aanu idinku xidhney inaad keentaan waraaqihii cadaynayay dawoodooda iyo halka lagu sameeyay iyo tayadoodab markii aan arkay waraaqihii oo aan waafaqsaneyn shuruuddihii la idiin sheegay, markii aan arkay khatarta ay keeni karto dawooyinka aan la hubin iyo capsulka madhan oo lagu talagalay in lagu shubo daawo aan la ogayn waxaa ay tahay.

Kadib markii hay’adda dhawrista tayadu samaysay baadhitaan qoto dheer iyo xog urrurin baaxad dheer, waxay hay’addu go’aan ku gaadhay in laga bilaabo maanta(shalay) in la xidho dhammaan ganacsiga Al-Huda Medicine, waxaan faraya hay’addaha dawladda ee ku shaqada leh inay ka gutaan waajibaadkooda ku aadan fulinta go’aankan lagu xidhayo ganacsiga Al-Huda Herbel Medicine..”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply