Wasaaradda Cadaaladda oo Saxeexday Heshiis Qaranka Laf Dhabar u ah

0
843

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha garsoorka Somaliland, ayaa shalay qalinka ku duugtay heshiis dhismaha qaranka laf dhabar u ah oo wax lagu barayo maxaabiista kala duwan ee ku jirta jeelasha dalka.

Heshiiska waxbarashada maxaabiista jeelashada dalka ku xidhan wax lagu barayo oo ay kala saxeexdeen wasaaradda caddaaladda iyo jaamacadda Beder oo shalay si rasmi ah qalinka loogu duugay, ayay ka soo qayb galeen wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha garsoorka Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), guddoomiyaha Jaamacadda Beder Proff: Mubaarig Aar, agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda Cabdixakiin Sheekh Xasan Ismaaciil, Taliyaha ciidanka asluunta Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan iyo Liibaan Shariif oo ka socday hay’addaha qaramada midoobay ee ay wasaaradda caddaaladda wada shaqaynta leeyihiin gaar ahaan UNSOM.

Heshiiska oo ay si rasmi ah u kala saxeexdeen Wasiir Caateeye iyo guddoomiye Proff: Mubaarig, ayay sheegeen in uu yahay mid muhiim u ah qaranka Somaliland isla markaana looga dan leeyahay in wax lagu baro maxaabiista ku xidhan jeelasha dalka.

Agaasimaha guud oo ugu horrayn heshiiska qalinka labada dhinac ku duugeen iyo muhiimaddiisa ka hadlayay, ayaa yidhi. “Waynu ognahay qiimaha waxbarashadu ay ku leedahay nolosha aadamaha qofka xorriyaddiisii laga qaaday ee aynu xabsiyada ku haynaa wuxuu xaq innoogu leeyahay in aynu hoy siinno in aynu cunto siinno iyo in aynu wax barno, waxaa jira ubad yar yar oo sharciga khilaafay, waxaa jira dhallinyaro, waxaa jira dad waawayn, waxaa jira dad u diyaar ah in ay jaamacad dhigtaan. Markaa heshiiskani wuxuu koobsanayaa kii doonayay in uu farsamada gacanta barto, kii doonayay in uu dugsi dhexe galo iyo dhamaan heerarkii kala duwanaa ee waxbarashada tii tooska ahayd iyo tii dadbanaydba in aanu jaamacadda Beder heshiiskan la gelayno oo ah in ay fulintii qaadato wasaaradduna ku daba gasho.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa ku daray. “14 xabsi ayaa dalka ku yaalla qofka xidhani isaga oo daryeelkii kala duwanaa ee uu u baahnaa ee kale helaya hadana in uu iska xidhnaado oo uu wakhtigu ka lumo waxaa ka muhiimsan in wax la baro oo uu aqoon korodhsado inta uu xidhan yahay oo aanu wakhtigu ka lumin oo marka uu qofku xabsiga soo dhammaysto ee uu ka soo boxo uu bulshada ku soo noqdo isagoo waxbartay kaalinna ka geli kara bulshadiisa taas ayaan rabnaa in aanu maanta (shalay) dhaqan gelino. Jaamacadda Beder waxaanu u dooranay iyadoo ka mid ah jaamacadaha dalka iyadpoo uu joogu guddoomiye sharci yaqaan ah oo ku habboon in uu kaalintaa ka soo bixi karo heshiiskan oo ah mid dalka ugub ku ah. Dhinac markaad ka eegto tijaabo ayuu inoo yahay oo waa arrin ka mid ah in wixii aynu qabsan karno aynu qabsano oo aynu isku tashano,heshiiskuna maaha mid ay cid gaar ahi naga caawisay waa heshiis laga maal gelinayo miisaaniyadda qaranka oo aan gacmo kale innaga caawinayn waana isu tashigeenii aan dalka ku soo dhisnay,waana arrin u baahan in aynu dhammaanteen dhinacyada iska wada taagno oo aynu hadday wasaaradda tahay hadday jaamacadda tahay hadday ciidanka asluubta iyo hay’addaha qaramada midoobayba iyadoo waxbarashadii markii horeba ka socotay la sii xoojinayo.haddii uu qofku markii hore dambi galay oo aynu xidhnay waa in uu inoo soo boxo isaga oo jaamici ah oo ka duwan sidii lagu xidhay.”

Guddoomiyaha jaamacadda Beder oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay, ayaa yidhi. “heshiiska aanu wasaaradda caddaaladda iyo ciidanka asluubta wada jirka aanu u kala saxeexnaynaa wuxuu quseeyaa in maxaabiista xidhan in dhaqankooda iyo aqoontoodaba wax laga bedelo oo isagoo sidiidii hore ee lagu xidhay uun ah in aanu maxbuusku inoo soo bixin ee uu inoo soo boxo maxbuus noloshiisa wax badan laga bedelay,annaguna jaamacad ahaan waanu la qaadanay wasaaradda in maxaabiista noloshooda wax laga bedelo taas oo ah wax lagu faano iyadoo wasaaraddu ay dedaal badan gelisay oo ay awoodda saartay in maxaabiista wax la baro markii ay noola timina waanu la qaadanay waxaanan ba;llan qaadaynaa in maxaabiista aanu barno aqoonta heerarka kala duwan ee ay u baahan yihiin.”

Sarkaal ka socday hay’adda qaramada midoobay ee UN-SOM Liibaan Shariif oo isna halkaa ka hadlay ayaa Somaliland ku ammaanay qorshaha maxaabiista wax lagu barayo oo uu sheegay in uu yahay mid aad u wanaagsan oo la mid ah kuwa ka jira dalalka reer yurub qaarkood oo aan in badan oo caalamka ka mid ah aan ka hir gelin. Waxaanu ballan qaaday in ay hay’addo ahaan la shaqayn doonaan wasaaradda.

“Waxaad samayseen wax aad iyo aad loogu farxo oo ah wax aan ka dhicin dalal badan oo afrika ah waxaanan filayaa in halkan loo iman doono in wax laga barto,sababtoo ah waxaad samayseen wax caalami ah oo ka mid ah daruuriyaadka maxbuusku u baahan yahay oo ka jira dalalka horumaray ee Yurub. Waliba idinku gacantiina kumaydaan fulin oo ciidanka asluubta ayaa wx baraya maydaan odhan ee ciddii aqoonta ehelka u ahaydoo jaamacad ah ayaad u yeedheen.”

Taliyaha ciidanka asluubta, ayaa ballan qaaday in ay dhankooda u diyaarinayaan dhammaan maxaabista jeelashada dalka ku xidhan halkii ay wax ku baran lahaayeen.

Ugu dambayn waxaa munaasibadda soo afmeeray wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha garsoorka Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo sheegay in wasaaradda oo fulinaysa qorsheyaasha madaxweynaha qaranku dalka ku hoggaaminayo in la soo saaro maxaabiis muddadii ay xidhnaayeen wax soo bartay oo noloshooda wax laga bedelay isla markaana aqoonta loo wadi doono illaa heer jaamacadeed.

Wasiir Fariid oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. Maanta (shalay) waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa heshiiska aanu kala saxeexanayno jaamabadda Beder oo ah heshiis taariikhiya oo wax lagu barayo maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka ee hadda jira iyo kuwa dambe ee ku soo biiri doonaba,taasoo ah afkaartii madaxweynaha Somaliland oo ballan qaaday markii uu ololaha ku jiray in la horumariyo xabsiyada dalka iyo daryeelka maxaabiista annagoo taa fulinayna,ayaanu eegnay in qofka maxbuuska ah ee ardayga ahaa ee ay ahayd in uu sii wato waxbarashadiisii in aanu ka helayn xabsiyada dalka sidaa darteen waxaanu go’aan sannay haddaanu nahay wasaaradda caddaaladda in aanu miisaaniyadda 2019-ka. Wax ugu darno taasoo ay nala qaadatay wasaaradda maaliyaduna,hadana waxaa soo baxday yaa idinla qaban kara markaas ayaanu u doonanay ciddii ehelka u ahayd waxbarashada waxaanan u dooranay jaamacadda Beder,waxaanan u yeedhnay Proff: Mubaarig Aar oo sharciyaqaan mar haddii xabsi iyo sharcina aanay kala maarmayn. Waxaanan ku heshiinay oo aanu kala saxeenanaynaa waxbarasho toos ah iyo mid dadban labadaba in la baro maxaabiista oo illaa heer jaamacadeed ah.”

Intaa la dibna waxay qalinka ku wada duugeen wasiir Fariid iyo Proff: Aar heshiiska ay labada dhinac kala saxeexdeen.

Intii xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi talada dalka ay haysay ayay ka hir gelisay xabsiyada dalka mashaariic kala duwan oo nolosha maxaabiista kor loogu qaadayo iyadoo bishii Ramadaan ee inna dhaaftayna xabsiyada dalka oo dhan laga fuliyay barnaamij la magac baxay maxbuus la afur madaxweynahaaga oo madaxweyne Muuse maal galiyay oo maxaabiista lagu afurin jiray bishii Soon.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply