WEEDHA WARGEYSKA LABA CODLEYNTA XISBIGA WADDANI

0
762

Sheekhow, Shiikh C/raxmaanow, HAA IYO MAYA labadaba adigaa lagaa hayaa, waqtiga qabsoomidda doorashooyinka Golayaasha Degaannada iyo Wakiillada , labadaa erayna hal meeel ma wada galaan’e, bal hadda shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ka saar tashwiishka aad ka gelisay xilliga qabashada doorashooyinka ee bal si cad ugu dhawaaq muddada aad laabta ka jeceshahay ee dooneyso in la qabto, ma 2019-ka aan ku jirnaa, mise 2021ka oo macnaheedu yahay in laba sanno dib loo dhigo doorashooyinkaasi.

Jawaabta shacbigu waa kaa sugayaa, adiga oo aan sidaadii ku xoqan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, maadaama markii aad toddobaadkan ka soo laabtay socdaalkaagii ku beer-laxawsaneysay shacbiga, in dalalka innaga taageera dhaqaalaha doorashooyinka aanay raali ka ahayn inay 2019-ka dib uga dhacaan doorashooyinka labada Gole ee Degaannada iyo Wakiilladu, iyadoo horena uu Xisbiga Waddani ee aad Guddoomiyaha ka tahay ganafka ku dhuftay in la qabto doorashooyinkaa isbarkan 2019ka, taasoo uu caddeeyey Komishanka Doorashooyinku in labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oggolaadeen muddadaa, balse Guddoomiyaha Xisbiga Waddani diiday.

Waxa haatan aad loola yaabban yahay, iyadoo ay sidaa wax u dhaceen in haddana uu Guddoomiye Cirro ku eedeeyo Xukuumadda dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinkaasi, hadda waa ninkii kelidii hore u diiday in la qabto doorashooyinka 2019ka, ka hor intii aanay Komishanka iyo Guurtida midkoodna ka hadal wax la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, imikana wuxuu Mudane C/raxmaan Cirro ku hadaaqayaa sidii ilmaha [XUKUUMADDAA KA MAS’UUL AH DIB U DHACA DOORASHOOYINKA,] markaa miyaan la odhan Karin xaaladda Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waa mid LABA CODLEYN ah, taas oo xag EEBBE iyo xag bani’aadanimo midna ku fiicneyn.

Hoggaanka Sare ee majaraha siyaasadeed u haya Xisbiga Waddani, waxay u muuqdaan kuwa geed sare-waab ah, waayo mar walba oo uu ka jiro gudaha JSL dhaqdhaqaaq siyaasadeed waxay ka doorbidaan taageerada shacbiga codka ay ka doonayaan mid dibedeed oo aanay marnaba kasoo heleyn talo u roon dadka iyo dalka Somaliland. Inta badan Guddoomiye C/raxmaan Cirro iyo ninka la baxay Garyaqaan Barkhad waxa caado u ah inay wax kasta oo ka dhaca JSL gudaheeda xataa laba xaafadood oo isa-shiiday ay u buunbuuniyaan sida BBC-da iyagoo ugu andacooda hay’adaha xuquuqal Insaanka iyo kuwa kaleba, in Xukuumadda hadda dalka ka talisaa ku tumato xuquuqda muwaadiniinta isagoo eedeysanayaal ama dembiilayaal ka dhigaya kuwa lagu tacaddiyeyo xuquuqdoodii [Ka sidaa laga maqlaa waa Garyaqaan Barkhad ] oo aan kula talin lahayn inuu si kale mashruuc kaga doono hay’adaha, dalkiisana ka daayo wanjalka.

Sidoo kalena Mudane Cirro mar kasta oo safar dibedeed uu u baxo, ayuu mar allaale markuu Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport soo gaadho, halkaan wax kheyr leh ka sugeynay illeyn waa Xisbi Qarane uu inoo sheegaa, in hay’adihii Caalamka ee uu la soo kulmay madaxdoodii ay u caddeeyeen inay ka biyo diidsan yihiin nidaamka maamul ee dalka ka jira siduu wax u wado, sidaa darteedna ay suurtagal tahay inay jaraan ama dhimayaan dhaqaalihii kaalmo ee dalka ay siin jireen ama weedho kale oo la mid ah.

Waxa ugu dembeysay waxyaabihii uu Toddobaadkan innoo sheegay ee ku saabsanaa aragtida ay Hay’aduhu, gaar ahaan kuwa innaga badhi-taageera doorashooyinka siiba xagga dhaqaalaha ka qabaan qabsoomidda doorashooyinka ee uu go’aanka iyo xukunkeedaba gacanta u geliyey hay’aduhu. Sidaa awgeed waxan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani odhan lahaa kalsoonida iyo taageerada ka dhex doon dalkaaga gudihiisa oo ha ku daalin taageerayaasha Xisbigaaga dhallaan-habaabista aad kubka iyo bowdadaba kaga jabtay, kuna marin- habawday, illaa haddana weli u haysato dariiqii saxda ahaa ee aad biyahaa beenta ah ee dhalanteed ahaanta u muuqda [Dhallaan-habaabis] aad sacabada kaga cabbi lahaydeen adiga iyo inta ku taabacsaniba, markaa waddadaa ka soo noqdo oo u soo noqda gudaha dalka oo uu u furan yahay qof kasta, xisbi kasta iyo cid kastoo kaleba isdhaliilka runta ah ee ku saleysan xaqiiqooyin la taaban karo oo ka madhan nabis iyo wanjal, taas baa liibaan aakhiro iyo mid adduunyaba kuu horseedi karta, kana bax khayaalka iyo hummaagyada dhallanteedka oo runta ku dhaq dadkaaga, lexjeclada dalkaagana weligaa ha moogaan.

Talada kale ee aan kuu soo jeedinaynaa, waa ta Komishanka doorashooyinka Qaranka oo aad ogtahay in lagu dhisay hab sharci, iyadoo xubnaha loo dooranayaana leeyihiin sharciga iyo habka ay ku imanayaan, sidoo kalena muddada xil hayntoodu tahay mid sharci oo aanay marnaba noqon Karin mid ay cid gaar ahi aayar kala diri karaan markay dantooda ka dhex arki waayaan, wax kasta oo ka baxsan sharcigaa Komishanka lagu aasaasay iyo cid kasta oo la timaadaba, waa mid baal marsan sharciga oo ah ka loo sameysto in lagu kala baxo haddii isfaham waa yimaad. Sidaa darteed ceebeyn aan lala qabin iyo tallaabooyin xadgudub sharci ah maaha mid meel-mar u noqonaya Xisbiga Waddani, balse si aanay taageerayaashooda u marin-habaabin waxa u fiican inay runta iskaga addimaan oo caddeeyaan kaliya waqtiga ay diyaarka u yihiin doorashooyinka labada Gole ee Degaannada iyo Wakiillada, bulshadana ka daayaan jahawareerka siyaasadeed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply