Ciid lagu Jaray Jid Muhiim u ah Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka

0
639

Hargeysa (Dawan):- Dhisme ay maxkamaddi xayiraad saartay ciid laga qoday oo laga soo saaray goobo lagu aasay haamo shidaal, ayaa caqabad aan laga gudbi karin ku noqday jid aad muhiim u ah oo dadka iyo gaadiidkuba ay adeegsadaan, isla markaana ah marin isku xidha dhawr waddo oo isu gudba.

Wadayaasha basaska afar xaafadood oo ka baxa istaanka dhanka waqooyi kaga began biriilja wayn ee Hargeysa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay ciid laga qoday dhul kaalin shidaal laga dhigayay oo intaan la dhammaystirin maxkamadi xayirtay.

Qaar ka mid ah wadayaashaas oo la hadlay wargeyska Dawan ayaa sheegay in goobtan carratuulka laga dhigey ay xanibtay waddadii, wakhtiga roobku da’ana ay dadka la siibato gaadiidkuna ku jiidhaan. Dirawaladaasi waxay ka codsadeen dawladda Hoose ee Hargeysa in ay uga soo gurmato ciidda lagu jaray waddadan dhibta ku haysa.

Axmed Cabdi Ibraahim oo ka mid ah wadayaasha basaska oo ugu horreyn arrintan si faahfaahsan uga hadlaya ayaa yidhi “Muddo laba sannadood ah ayay ciidani sidan halkan u taallay, markaa meeshan markii ay bilaabeen ee Haamaha la galiyay ayaa qoladii doonaysay in ay Haamaha meesha galiyaan lagu qabsadday.”

Waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata. “Markii dhismaha wajahadiisa la isku qabtay ee maxkamaddu xayirtay waxaa halkii lagaga tegay ciiddii oo halkii taalla, taasna waxay sababtay in ciiddaasi laba sanno iyo deeraad ay halkaa taallo.”

Mar uu ka hadlayay dhibaatada ay ciiddaasi waddada ku hayso, ayaa yidhi. “Ciiddaasi waxay taallaa wadadii oo taayirkaa yar ayaa ka bannaan waddada, qofku marka uu tuulka ciidda dul maro inta uu ka soo siibto ayuu taayirka gaadhiga ku soo hoos dhacaa, waxaana dhacday marar badan in shilal dad ku dhaawacmeen ay halkaa ka dhaceen.”

Waxaanu dirawalkaasi hadalkiisa ku soo gunaanaday codsi u u diray dawladda hoose ee Hargeysa. “Haddii dhismuhu xanniban yahay oo ay maxkamadi xayirtay waxaanu ka codsanaynaa dawladda hoose in ciiddan nalaga qaado oo waddada naloo banneeyo, waxay nagu haysaa halis aad u wayn oo maalin kasta dadku halkaa ayay ka soo siibtaan oo ku jabaan, ama gaadhi ku hoos dhacaan.

Waxa kale oo ay nagu haysaa nadaafad darro oo xarun qashin qub ayaa laga dhigtay. Ugu yaraan tiroba 3 dumar ahi way ku jabeen kuwo kale oo badanna gaadhi ayaa ku jugeeyay markay ciiddaa tuulan ka soo siibteen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply