Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Tababar u Soo Xidhay Dufcaddii 30-aad ee Ciidanka Booliska

0
623

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa wada jir ugu soo xidhay tababar ay muddo qaadanayeen dufcaddii soddonaad ee ciidanka booliska Somaliland oo tababar ku qaadanayay dugsiga tababarka booliska Lixle ee Madheera.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayay hawsha ciidanka boolisku qaranka u hayo iyo kaalinta uu kaga jiro dawladnimada, ayaa yidhi. “Waxaanu halkan tababar ugu soo xidhaynaa dufcadii 30aad ee ciidanka booliska oo la magac baxday Dhammays oo ka qalanjabinaysa dugsiga tababarka mandheera ee Lixle, Ciidanka Boolisku isaga ayaa masuul ka ah ilaalinta sharciga iyo nabadgalyada dalka.

Ciidanka boolisku waa mid ku dhex nool bulshada, ciidanka boolisku waa saaxiibka dadweynaha, waxaanan joognaa xilli uu taabbo galay ciidanka boolisku oo hawshu meel fiican u marayso.

Waxaa jiray xilliyo laga soo bilaabay meel aad iyo aad u hoosaysa oo ciidanku yar yahay oo aanay dirays lahayn oo xer yahoodu nimaadsanayn, waxaana dufcadani ku soo beegantay marxalad uu ciidanka boolisku soo dhismay.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa xaqiijiyay dufcadda tababarka dhammaysatay in ay ka nasiib badan yihiin dufcado hore ee tababar soo qaatay oo uu tilmaamay in ay soo barteen aqoon ka badan tii ciidankii ka horreeyay ay qaateen.

Taliyaha ciidanka Boolisku waxa kale oo uu intaa raaciyay in dufcadda dhammaysatay ee tababarkan ay tababar kalena ku qaadan doonaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. “Dufcadani way ka nasiib badan tahay dufcadihii hore. Sababta oo ah waxay nasiib u heleen duruus aan hore loogu qaadan jirin oo ay qaateen dufcadani, waxa kale oo ay Hargaysa ku geli doonaan tababar kale waxaana waxaas oo tababara loo siinayaa in ay fahmaan u adeegista shacabkooda, shaqada Ciidanka boolisku waa ilaalinta Nabadgalyada Qaranka Somaliland difaaca qaranka ilaalinta nafta iyo maalka shacabka reer Somaliland.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply