Dufcadii Koobaad oo ka Qalinjabisay Jaamcada Burco Faraceeda Caynabo

0
710

Caynaba (Dawan):- Dufcadii koobaad, ayaa ka qalin jabisay jaamacadda Burco faraceeda degmada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu qabtay hoteelka Isha Caynaba ee magaaladaasi, ayaa waxaa ka soo qayn galay wasiirro, wasiirro hore, xildhibaano madaxda Jaamacadda Burco iyo marti sharaf kale.

Waxaana ka qayb galay qalinjabinta munaasibadan wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshadda marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, maamulka iyo masuuliyiinta jaamacadda, waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale.

Wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibadda qalin jabinta ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay aqoontu u leedahay aadamaha iyo sida aan marnaba looga waynaan waxbarashada.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan waxa kale oo uu ku hambalyeeyay ardayda qalin jabisay iyo waalidiintooda iyo jaamacadaba sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygeen waxbarashada maanta midhaheedii koobaad loo fadhiyo. “Run ahaantii afar arrimood oo muhiima ayay koobsatay waa maalin jimce ah, maalinta jimcuhuna waxaa ay ka mid tahay maalmaha muhiimka ah ee ay muslimiintu leedahay, waa maalintii ugu horeysay ee dufcadii koobaad ee Caynabo ay qalinjabineyso oo iyaduna muhiimaddeeda leh, waxaan u mahad celinaya aniga oo garanaya in geediga meel dheer aan ka soo rarmay, sababta oo ah waxaan garanaya maalintii jaamacadan la aasaasayay, dhammaan ardayda qalin jabisay waalidiinta iyo maamulka Jaamacadda oo u dhabar adaygay waxbarashada aynu midhaheedii maanta (shalay) u fadhino, waxaanan ALLE uga baryayaa ardaydan in uu aqoonta ay barteen ku anfaco oo ka dhigo mid ay dalka iyo dadka iyo diintaba ku anfacaan.”

Gudoomiyaha jaamacadda Burco Pro. Saleebaan Dirir Cabdi oo munaasibadii qalinjabinta ardayda hadal kooban ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacadu waxaanu yidhi “Siyaasad ay jaamacadda Burco laheyd oo aheyd inay ku fido deegaanka Caynaba, Oodweyne, Sheekh, iyo Buuhoodle, ayaa deegaanka Caynaba waxay ka aheyd deegaankii ugu horreeyay ee niyadaasi la yimaada, fasalkii ugu horreeyay ee is qora oo ahaa maamulka iyo maareynta, waxaa ka soo hadhay laba qof, waxaanan jecelnahay dadweynuhu inay arkaan Cali Aw Aadan iyo Yaasmin Maxamed, siyaasada jaamacaduna waxaay aheyd inay is dabaqaan baahida deegaanadaasi iyo jaamacadu, sidaasi ayaana lagu soo gaadhay maalintan qiimaha leh ee ay qalinjabinayaan 26-ka arday, ee labada barnaamij ka kooban, aad iyo aad ayaan u hambalyaynayaa 26-ka arday ee 18-na wiilasha yihiin 8-deedna ay gabdhaha yihiin”

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshadda marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo iyana goobtaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay maamulka jaamacadda iyo ubaxa qalinjabiyay ba waxaaney tidhi “Intii u soo baqooshay inay idinla qaybsadaan farxadaa qalinjabinta ardaydan quruxda badan ee i hor fadhida, ardaydan qaaliga ah, inay maanta gaadhaan guushoodii iyo himiladoodii inta badan ay ku fikirayeen, ardaydan aan la rumeysan karin in intooda badani dib qalinka u qaataan suuragaliyay bulshadda reer Somaliland, waxaanan u mahad celinayaa maamulka jaamacadda iyo gudida guddoonka jaamacadda oo goobjoog ah, waxaan u mahad celinaya waalidiinta isgarab taagay ardayda halkan ka qalinjabineysa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply