Cuntada Oo La Cuno Habeenkii Hurdada Laba Saacadood Ka Hor Caafimaadkay U Wanaagsan Tahay.

0
1372

Dhakhaatiirta Ilkaha ayaa ku talisay in cuntada la cuno ugu yaraan laba saacadood ka hor waqtiga hurdada , iyada oo loo ogolaanaayo heerka  Glucose-ta in ay noqoto mid degan , iyada oo sidoo kalena ay  dhakhaatiirtani sheegeen in aanay dhibi ku jirin haddii cuntada la cuno xiliyada dambe ee habeenkii.

Khubarro dhinaca Cilmibaadhisaha ah oo daraasadan samaysay  una dhalatay wadanka Jabaan ayaa sheegtay in  hurdada laba saacadood ka dib waqtiga wax la cunay ay aad ugu wanaagsan tahay Dhiiga iyo degitaankiisa, sidoo kalena ay meesha ka saarto saamaynta ay Sonkortu ku yeelato dhiiga  iyo hab socodkiisa.

Khubarradan oo ka socotay jaamacadda Okayama University  ayaa sheegay in ay daraasadan intii ay wadeen ay tijaabo ku sameeyeen dad gaadhaaya 1573 qof , kuwaas oo tijaabadaasi lagu waday muddo 3 sanno ah  oo joogto ah , iyada oo laga qaadaayey si is daba joog ah tijaabooyin dhinaca dhiiga ah.

Dadkan tijaabada lagu sameeyey oo 16% ay ahaayeen Rag  8% kalena ay dumar ahaayeen  ay ku arkeen isbedel  gooban oo dhinaca caafimaadka ah , taas oo sonkorta Dhiiga ku jirta ay kor u kacday , waxa kale oo ay sheegeen in dadkan isbedelku ku dhacay ay intooda badani yihiin dad balwad leh .

Warbixin kooban oo ay kooxdan Daraasada waday ku daabaceen wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in cuntada oo la cuno muddo laba saacadood ah ka hor hurdadu ay aad ugu wanaagsan tahay isu dheeli tirnaanta Dhiiga, laakiin aanay lahayn dhibaato kale haddii aanu qofku balwado lahayn.

Leave a Reply