Hargeysa(Dawan)Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Ayaa Wasaaraddo Iyo Hay’addo Ku Wareejisay Shaqaalihii Kusoo Baxay Imtixaanaad Shaqo Oo Dhowaan Laga Qaaday.
dhalinyaradan ayaa ahaa kuwii ku guulaystay imtixaanaadkii lagu galay goboladda Awdal iyo Togdheer , sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland oo soo gaadhey xafiiska Online ka wargeyska Dawan, kaas oo u dhignaa sidan:-
Tobabarkii Indho-furka kadib Guulaysteyaashii Goboladda Awdal iyo Togdheer oo lagu Wareejiyey Wasaaradaha/Hay’adaha Dawladda
-Tobabar, waydiimo iyo warcelin kadib, waxaa si habsami ah u soo dhammaaday qorshaynta iyo qaybinta Guulaysteyaashii dhawaan kasoo dhex mudhay tartamadii dalka ka qabsoomay qaybtoodii Gobollada Awdal iyo Togdheer
-Guulaysteyaasha ayaa lagu dardaaray horumarinta Gobolka iyo guud ahaan-ba Qaranka waxaana loo ballamay shaqo hufan iyo adeeg qof walba oo muwaadin ahi halkiisa ku helo.
-Adeeg bixinta ayaa qayb-weyn ka ah ujeedooyinka Dawladnimada shacabku u samaystaan waxaanay mudnaan weyn kaga jirtaa waajibaadka laga filayo in Shaqaalaha Dawladdu u gutaan si xirfad iyo xawli badan iyada oo dhanka kalena tiir weyn ka ah yoolka sannadkan 2019 Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu leedahay.