naha Oo Dil Ku Xukumay Nin Dilay 15 Qof.

0
1436

Maxkamada sare ee dalka Shiinaha ayaa dil ku xukuntay nin dilay 15 qof, kuwaas oo uu jiidhsiiyey gaadhi weyn oo nooca xamuulka qaada ah gobolka Hunaan ee badhtamaha dalka Shiinaha.

Ninkan oo lagu magacaabo Yaan San Yuun  ayaa xukunkasi lagu riday kadib markii uu ku cadaaday fal dambiyeedkaasi , waxaanu falkani dhacay 12 september ee sannadkii ina dhaafay 2018, waxaanu dadkan uu laayey qaarkood u isticmaalay Mindi uu la dhacay, waxaanu falkaasi ku dhaawacay 43 qof oo kale.

Ninkan ayay hore xukun ugu soo riday maxkamada degmada Yang Yang , iyada oo ku eedaysay in uu khal khal gelinaayey nabadgelyadda guud ee dalka , dilna uu u geystay muwaadiniin.

Leave a Reply