Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Kenya Oo Kulan La Qaatay Labada Aqal Ee Barlamaanka Kenya Ka Kooban Yahay+Sawiro.

0
532

Nairobi(Dawan)Safiirka Somaliland U Fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar ayaa kulan la qaatay labada gole ee Wakiiladda iyo Guurtida dalka Kenya .

kulankan ayuu kula kulmay qaar kamid ah hogaamiyeyaasha aqaladan  iyo sidoo kalena xubno kamid ah hogaamada sare ee xisbiyada dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Safiirka soona gaadhey wargeyska Dawan qaybtiisa Online-ka.

qoraalkan kooban ee soo gaadhey xafiiska wargeyska Dawan ayaana u dhignaa sidan:-

 

WAR-SAXAAFADEED

Waxaan ku faraxsanahay Maanta in aan booqday Aqalka baarlamaanka Dalka Kenya, halkaas oo aan kula kulmay Hoggaamiyaha Xisbiga Laga Aqlabiyada badan yahay ee baarlamaanka Hon. Junet Mohamed, dhinaca kale shalay waxaan kulan is xog warraysi ah ku waddaagnay Aqalka sare ee Guurtida Hoggaamiyaha Xisbiga Aqlabiyada badan ee aqalka Guurtida Senator Kipchumba Murkomen, waxaanan labada masuul ka wada hadalnay Arrimahan Hoos ku xusan :-
1. Sidii loo sii horumarin lahaa Xidhiidhka Labada Dal ee Somaliland Iyo Kenya ka dhaxeeya.
2 . Sidii loo xoojin lahaa Xidhiidhka Labada Aqal ee Baarlamaanka Iyo Aqalka sare ee dalka Kenya la leeyihiin labada Gole ee Somaliland iyada oo ay xusid mudan tahay in labada Dhinac ee Kenya Iyo Somaliland weftiyo ka tageen, kuwaas oo wadaagay Aqoon is weydaarsi iyo tobabaro ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkooda wada shaqayneed.
Ugu dambayntii waxay kulamadaasi ku soo dhammaadeen is af garad iyo guul.

 

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and indoor

Image may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, suit and indoor

Leave a Reply