Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Ku Qaabilay Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya+ Sawiro.

0
551

Hargeysa(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka, xidhiidhka labada dal, xoojinta gargaarka binu-aadanimo ee ay ingiriisku gacanta ka siiyo Jamhuuryadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iskaashiga arrimaha nabadgelyada mandaqada geeska afrika iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay dhismaha waddada Berbera Corridor oo uu safiirku sheegay inay tusaale fiican u tahay isu socodka dhaqaale ee geeska Afrika,Dawladda Ingiriiskuna ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dhismahaasi.

Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday Isfahan iyo in xidhiidhka labada dal ka dhexeeya la sii dardar geliyo.

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 2 people

Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 1 person, sitting and suit

Image may contain: 1 person, sitting and shoes

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply