Hay’adda Ka Hortaga Afooyinka Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qorshaheeda 5 Sanno Ee Soo Socda

0
722

Hargeysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay daahfurka munaasibadd ay hay’adda u diyaar garrowga aafooyinka iyo kaydka raashinku ku soo bandhigaysay qorshaheeda shanta sano ee soo socda.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in hay’adda kaydka raashinku ay muhiimad weyn u leedahay qaranka, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo.

“Waxaynu u baahan-nahay in aynu hay’addan aad iyo aad u xoojino sababta oo mihiimadd gaarra ayay qaranka u leedahay maada isbedelka cimiladdu taa ay keentay abaaro badan oo soo noq-noqda iyo duufaantii Sagar oo iyaddu-na ahayd mid inagu cusub”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku..

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaynu u baahan-nahay in hay’addani aad iyo aad u xoojino oo awoodeeda na balaadhino wixii qaran ahaan nagaga beegana diyaar ayaanu u nahay, in aad ku garab gashaan sidii loo furi lahaa qorshaha shanta sano ee soo socda, in aynu awoodeeda kor u qaadno si ay uga jawaabto raadadka ay isbedelka cimiladdu ka tagayso”.

Sidoo kale gudoomiyaha hay’adda u diyaar garrawga aafooyinka iyo keydka raashinka Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa mar kale xukuumadda iyo hay’addaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in loo gurmado dadkii ay macaluushu soo foodsaartay.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kulan hawleedkani waxaa uu ku saabsan yahay, in aynu soo bandhigno qorshaha shanta sano ee soo socda, eek u tallagalka hay’adda NEDFORC, halka ay dooneyso inay ku talaabsato oo ay gaadho.

Haddii Illaahay SWT qadaro, iyo waxyaabaha ay u baahan tahay inay wax ka qabato,sida aynu hay’addu waxaa ay waxaa ku saleysan tahay ama ku timid dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 18-aad farqadiisa labaad ayaa tilmaameysa, taasi oo tilmaameysa hawlaha iyo wax-ka-qabadka hay’adda NEDFORC”.

Waxa kaloo isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka. “Somaliland sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka jiray abaaro soo noqnoqanayay, sanadkan laf ahaantiisa abaarihii waa ay jiraan, mar labaad waxaanu hay’adddaha caalamiga ah iyo xukuumadda iyo dadweynahaba in loo gurmado dadkaasi.

Qaran ahaan waxaa aynu leenahay hiigsi fog, kuna asteysan 2030-ka si aynu markaasi kaa uga midha dhalino, oo aynu u hirgalino waxaa aynu sameysaney qorshe horumarineed oo qarankani leeyahay, kana soo farcamey higsiga fog kaasi oo ku saleysan shan sanadood,oo hada aynu mareyno shantii labaad oo hada saddex sanadood inooga hadheen.

Waxaanay wasaaradda qorsheynta qaranku leedahay qorsheynta horumarinta qarankani”           Ayuu yidhi wasiirku xigeenka wasaaradda horumarinta qorsheynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Xuseen Ibraahim Buuni.

Geesta kale waxaa kulankaasi goob joog ka ahaa madaxda iyo masuuliyiinta hay’adda u diyaar garrowga aafooyinka iyo keydka raashinka hay’addaha ka taageera dhanka aafooyinka iyo waliba masuuliyiin kale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply