WEEDHA WARGEYSKA Duuduub Mar Dembe Kuma Qaadaneyno Dhexdhexaadnimada Turkiga ee Waan Iska Baandheyneynaa

0
517

Wada hadalladii hore uga dhacay meelo kala duwan oo dunida ka mida sida (Ingiriiska, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga) ee u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland oo xorriyaddeeda ka qaadatay dalka Boqortooyada Ingiriiska 26kii June sannadkii 1960kii iyo dalkii kale ee madaxbannaanidiisa ka qaatay Talyaaniga 1dii July 1960kii, waxa ugu horreyn laysla qaatay qaabka uu noqonayo wada hadalka labada dhinac, waxana xubno labada dhinac ka kala socday ku kulmeen magaalada London horraantii 2012kii, halkaas oo wada hadal kadib ay ku heshiiyeen Toddoba qodob oo saldhig u ahaa qaabka loo wada hadlayo.

Qodobadii ay labada geesood ku heshiiyeen ee toddoba qodob ahaa, waxa udub dhexaad u ahaa dhawr qodob sida, in labada dhinac ay u wada hadallaan sidii ay kala ahaayeen dal iyo dadba wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii, taas oo ujeeddada ugu weyn ee laga lahaa ahayd, in cidda wada hadalku u dhexeeyaa yihiin laba dal iyo laba dadyow oo kala degganaa, kuna kala noolaa laba dal oo xuduudahoodu caalamiyan kala cayiman yihiin. Geesta kale si wada hadalladu u noqdaan kuwo midho dhal ah, ayaa waxa ahmiyadda loo siiyey qodobkan inaan labada dhinac midkoodna miiska wada hadallada keenin xubno ka soo jeeda mid ka mida labadii dal ee Talyaaniga iyo Ingiriisku u kala talinayey ka hor intii aanay ka qaadan xorriyaddooda.

Waxa kale oo muhiim ah oo isna in la xuso u baahan qodob kale oo ka mid ah toddobadii qodob ee lagu heshiiyey, kaas oo ahaa in labada geesood ay joojiyaan dacaayadaha ay isku mariyaan guud ahaan Warbaahinta, si loo abuuro kalsooni dhexdooda ka dhalata ama aanay caqabad ugu noqon sii socodka wada hadalladooda. Qodobka kale ee ka sii muhiimsan labadan qodob ee aan soo xusnay ee isna ka mid ahaa qodobadii lagu soo heshiiyey, waxa uu ahaa in wixii mashaariic dhaqaale ah aanay iska carqaladeyn labada dhinac.

Qodobadan saddexda ah iyo kuwa kaleba, waxa ay daaqadda ka baxeen markii loo raray dalka Turkiga wada hadalladii u dhaxeeyey labadii dal ee Somaliland iyo Somaaliya, kadib markuu Turkigu ka horjoogsan waayey dhinaca Somaaliya, isku daygii Madaxda Somaaliya ee joojinta heshiiskii Mashruuca Dekedda Berbera ee ay wada galeen dalka Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa dhinaca Somaaliya ka hirgeli waayey joojintii dacaayadda iyo jebinta qodobkii ahaa, in labada dhinac uu qaabka wada hadalkoodu noqdo mid ku saleysan dal iyo dadba wixii ka horreeyey qaadashadii Xorriyaddooda.

Burintii qodobadaa ayaa ka mid ahaa kuwii sababay, in Somaliland ka baxdo wada hadalladii labada dhinac u dhaxeeyey, marka gees kale laga eegana waxa la odhan karaa, waxa culeys labaad oo kale ku noqday Madaxda Somaliland, iyagoo ka waayey Turkiga doorkii looga baahnaa ee ahaa qabashada kolba ciddii khaldan ama isu soo dhaweyn, si aanay u fashilmin wada xaajoodka ay dalkooda gogosha ugu fidiyeen labada dhinac.

Intaa waxa dheer, muddada ay dalka Turkiga ka socdeen wada hadalka labada dhinac oo ah ku dhawaad Toddoba sannadood ayaan habayaraatee xataa hal tallaabo oo isfaham labada geesood ah la gaadhin muddadaa dheer, iska dhaaf wax laysla qaatee, waxaba la odhan karaa marka la eego hadda halka ay taagan tahay xaaladda labada dhinac, waa mid ka sii durugtay xaajadu, halkay taagneyd waqtigii ay u furmeen wada hadalku labada dhinac oo ahayd 2012kii.

Jiitanka iyo heshiis la’aanta wada hadal kasta oo laba dhinac ah marka uu yimaad, waxa inta badan lagu macneeyaa laba arrimood oo ta hore tahay, in labada geesood ee wada xaajoonayaa aanu midkood diyaar u ahayn in wax hagaagaan, si heshiis loo gaadho, sidaa awgeedna uu xaggiisa kasoo xulaa xubno aan ahayn kuwii wax kala jarayey, ka labaadna waa marka cidda gogosha u fidisay labada geesood uu dhinac tirsado in aanay u dhex ahayn, siiba markay dareemaan in aanay xoogga saarayn labada geesood hadba ka wax qalloocinaya ee jebinaya qodob ka mida waxyaabihii lagu heshiiyey, isla markaana aanay sameyneyn wax isku day ah oo isku soo dhaweyn ah ama qabasho geesta khaladka leh.

Haddaba, maadaama Somaliland ay si duuduub ah u oggolaatay gogoshihii hore ee uu Turkigu u fidiyey labadii geesood ee wada hadalku u dhaxeeyey ee Somaaliya iyo Somaliland, balse ay ku fashilmeen wada hadalladaasi, kadib markuu dhinaca Somaaliya jebiyey dhammaan shuruudihii qaabka wada hadalka ee lagu heshiisyey, waa lagama maarmaan doorkan in Somalilad iska baandheyso gogosha uu Turkigu mar kale ku yaboohay inuu u fidinayo labada dal ee doonaya inay dib iskugu soo horfadhiistaan wada hadalkii u socday, iyadoo ay waajib tahay, in marka ugu horreysa uu si cad u qeexo Turkigu doorka uu jecel yahay inuu ku yeesho wada xaajoodka dembe ee Somaliland iyo Somaaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply