Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Sayladda Xoolaha Ee Hargeysa,Dadkana La Qaybsaday Dareenkooda+Sawiro.

0
493

Hargeysa(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa.

Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani.

Xubno kamid ah guddida ugu maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha halkaas lagu kala iibsado oo u baahan daryeel joogto ah oo xagga cawska iyo biyaha ah.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa ugu baaqay inay ka hawlgalaan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen wax kasta oo ay u baahan yihiin dadka iyo xoolaha ku sugan sayladdu, sida Biyaha, cuntada iyo hadhka.

Image may contain: 2 people, crowd and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, crowd, sky and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, beardImage may contain: 2 people, crowd, sky and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky, outdoor and natureImage may contain: 5 people, crowd and outdoorImage may contain: 8 people, people smilingImage may contain: 6 people, people smiling, people sitting, crowd and outdoor

Image may contain: 3 people, people smiling, beardImage may contain: 7 people, crowd, beard and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, hat, outdoor and closeupImage may contain: 4 people, people smiling, beard, closeup and outdoorImage may contain: 5 people, beardImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting

Leave a Reply