Wasiir Sacad oo Beeniyay in Xukuumadda Dayn Lagu Leeyahay

0
575

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa waxba kama jiraan iyo been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay in Xukuumadda Somaliland lagu leeyahay dayn malaayiin Dollar ah.

Waxaanu intaa raaciyay in hadalkii xildhibaanku uu ku sheegay in Xukuumadda Dayn lagu leeyahay uu ahaa hadal aan waxba ka jirin.

Wasiir Sacad Cali Shire, waxa uu hadalkii xildhibaanka ku sifeeyay in uu ahaa mid aan ku jirin waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo war bixintii uu u soo gudbiyay hantidhawraha guud.

Wasiir Sacad Cali Shire oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin hadalkii ka soo yeedhay xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ee ku wajahnaa in 80 milyan oo doolar oo deyn ah lagu leeyahay Xukuumadda.

Dr. Sacad Cali Shire oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “In 80 kun oo doollar oo deyn ah lagu leeyahay Xukuumadda tiro sax ah maaha, waxa shir noogu yeedhay maalintii Isniinta Guddida ilaalinta iyo dabgalka hantida qaranka ee Golaha Wakiillada waxaanay noogu yeedheen inaanu la wadaagno warbixintii uu ka soo bixiyey Hantidhawraha guud ee qaranku miisaaniyaddii Sannadkii 2017dii, waxaanu ka wada hadlaynay sidii sharciga loo raaci lahaa maareynta deynta.”

Wasiirku wuxuu intaa ku daray; “Markii aanu ka soo baxnay kulankii oo ay aheyd in aanu intaas uun ka sheegno ayaa xildhibaanku uu ku daray waxyaabo aanaan ka wada-hadal oo aan jirin, waxaana ka mid ah waxyaabaha aan jirin ee uu sheegay Xildhibaanku 80 Milyan oo doolar oo dawladda lagu leeyahay, kuma qorna warbixintii uu u soo gudbiyay Hantidhawraha guud, Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka waxaanu ka wada-hadalnayna maaha guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka.”

Wasiirka oo fasiraad ka bixinayay hadalkii xildhibaanka ayaa yidhi. “Malaha xildhibaanka siyaasada ayaa yara jiidatay, laakiin waxaanu ka wada hadalnay maaha, deyntu waa laba qaybood oo kala ah biilal soo raacay Miisaaniyadda oo shiidaal ayaa la sii qaadanayaa iyo qof qandaraas la siinayo oo wax dhisaya. markaa daymo sidaa ah oo taxane ah way jiraan dawlad waliba deynta way gashaa, laakiin deynta nalagu leeyahay waa biilashaa miisaaniyadda ku jiray ee xaga dambe laga bixinayo. Haba yaraatee ma jirto cid deyn nagu lihi,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad Cali Shire, sidoo kale waxa uu beeniyay in cid gaar ah qandaraas lagu siiyay shaybaadhka agabka dekedda Berbera ka soo degaya iyada oo aan lagu tartamin, waxaanu yidhi “Ma jirto cid qandaraas lagu siiyay Shaybaadhka Dekedda Berbera, arrinka shabaadhka iyo wixii la xidhiidha xagga nabadgelyada dekeda iyo badeecaddeeda waxaa u xil saaran shirkadda DP World cid qandaraas lagu siiyayna ma jirto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply