Waxgaradka Degmada Carrooley oo Farriin Digniin ah u Direy Puntland

0
720

Carooley (Dawan)- Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Carrooley ayaa farriin digniin ah u direy maamulka Puntland ee ay hoggaaminayaan Madaxwyne Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash, waxaanay uga digeen in ay fadqalo ka abuuraan deegaanada Carrooley, Burcadle, Holhol, Tukaraq, Basbasa iyo God’aalo oo ka tirsan deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland.

War-murtiyeed ay soo sareen, waxgaradka, odayaasha iyo aqoonyahanka degmada Carrooley ee gobolka Xaysimo oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wargeyska Dawan ayaa u dhiganaa Sidan:-

“Haddaanu nahay Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Carrooley waxanu farriin digniin u direynaa maamulka cusub ee Puntland ee ay hoggaaminayaan Deni iyo Karaash kuwaasi oo aan uga digayno inay fadqalo ka abuuraan deegamadayada sida Carooley, Burcadle, Holhol, Tukaraq, Bas-Basa Iyo Godaalo iyo guud ahaanba deegaanada gobolka Sool, hadaanu nahay cuqaasha iyo waxgaradka deegaanada kor ku xusan waxaanu nahay umadd nabadeed oo aan colaadaha iyo xasaradaha ku dheerayn.

Haddaba waxaanu ugu baaqaynaa cid kasta oo nabad darro ka aburaysa degmoyinkayaga oo ka socata maamulka Puntland, in aannu u aqoonsannahay fidmo wadayaal, wixii gaadhana ay masuuliyadooda leeyihiin. Haddaba waxaanu isla garanay qodobadan hoos ku qoran:-

  1. Bulshada deegaanku waxay ugu baaqaysaa nabad dhammaan cid kasta oo nabada jecel gaar ahaan bulshada ood wadaagta ah.
  2. In maamulka Pntland ee Deni iyo Karaash ay hoggaaminyaan aanay wax faro gelin ah ku sameyn Karin deegaamada kor ku xusan.
  3. Inaanu ugu baaqanayno reer Garoowe iyo maamulkooda derisnimo iyo nabad ayna ku eekadaan xuduudooda.
  4. In dadka deegaanku isugu imaan doono shir ay kaga tashaynayaan aayahooda. Xilliga shirka laqabanayana lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda, guddina loo saaryo.

Cuqaasha iyo waxgaradka soo saaray bayaan kan waxay kala yihiin.

  1. Chief Caaqil Cabdirashiid Cabdi Cilmi (Cabdi Aabi)
  2. Maxamed Saalax Maxamed
  3. Cali Maxamed Jaamac Shanle
  4. Cabdiqaadir Aw Ducaale
  5. Cabdirisaaq Geele Cali
  6. Faarax Xaaji Jaamac (Rigo-Rigo)
  7. Siciid Cali Aw Yuusuf
  8. Cabdisalaan Xaaji Cali
  9. Daahir Saalax Yusuf
  10. Cali Jaamac Cali Cigaal
  11. Cali Yusuf Nuur (Cali Dhego Yare)
  12. Faarax Cali Gaaleef
  13. Jaamac Cawil Cali Faarax
  14. Sharmake Aw Jaamac Xirsi
  15. Daahir Mire Aar Goof
  16. Maxamuud Yusuf Xaji Ismaaciil
  17. Cabdilaahi Maxamed Aadan Dhaaye
  18. Cabdilahi Maxamud Buraale
  19. Jaamac Maxamed Maxamud (Jaamac Qaloocow)
  20. Faarax Warsame Gurey
  21. Faarax Warsame Buur
  22. Axmed Yusuf Ismail Warfaa
  23. Cabdi Salaan Axmed Dhoohe
  24. Cabdilaahi Cilmi Xasan
  25. Yaasiin Xuseen Faarax Siciid”

Leave a Reply