“Guddoomiyaha Waddani Ayaa Bilaabay In Wakiiladu Duuduub Wax Ku Ansixiyaan”

0
468

Hargaysa(Dawan):-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiiladda ee xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye ugu jira golaha,ayaa sheegay in dhaliil kasta oo golaha wakiiladu ay leeyihiin ay wadagaan sadexda xisbi qaran ee Somaliland oo goluhu uu ka kooban yahay.

Waxaanu  intaa  ku daray in golaha wakiiladdu in ay duuduub wax ku ansixiyaan oo aan laga doodin in ay ahayd waxyaabihii uu golaha ku soo kordhiyay guddoomiyihii hore ee golaha wakiiladda Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Xildhibaanka oo ugu horrayn ka hadlaya is bedelka miisaaniyad sannadeedyadii Somaliland,ayaa yidhi “Miisaaniyadda Somaliland markii aanu nimid Golaha Wakiilada  sanadkii 2005   iyo  imika  oo lagu jiro  Sanaddka 2019 ka farqi wayn ayaa u dhaxeeya miisaaniyadda horumar badan ayaan ka gaadhnay wax badani way innaga dhiman yihiin  maanta 300 milyan oo doolar ayay maraysaa.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in duuduub  wax ku ansixinta golaha wakiilada uu bilaabay guddoomiyajha waddani Cirro oo muddo badan golaha wakiiladda guddoomiye u soo ahaa.

Waxaanu intaa raaciyay in dhaliil kasta oo golaha wakiiladu ay leeyihiin ay qayb ka yihiin xisbiyada mucaaridku .
“Xisbiga  Waddani  labo iyo toban sano ayuu xukumayay  Golaha  Wakiilada  in  duuduub   wax lagu ansixiyo  Guddoomiyaha xisbiga Waddani  ayaa bilaabay,xisbiyaduna way nala leeyihiin dhaliilaha    Golaha Wakiiladu dhaliilo wuu leeyahay.xisbiyada mucaaradku way nala leeyihiin waayo saddexda xisbi ayaa kuraasida golaha   fadhiya  25 xildhibaan ayuu xisbiga Waddani ku leeyahay GolahaWakiilada.”.

Waxaa kale oo uu iftiimyay sida mashaariicda horumarineed ee dalku ugu wada caddahay miisaaniyadda qaranka isla markaana loogu wada siman yahay“Mashruucii ugu waynaa ee dalka  laga   fuliyay waxa weeyaan   wadadaa isku xidha  Burco  iyo Ceerigaabo   mashruuc ka wayn oo Somaliland laga fuliyay majirto, Misaaniyaddu  ma gobolaysna  waxa Hargaysa ugu jira ayaa ugu jira   Boorama  Burco  Ceerigaabo  Lascaanood  oo Berbera  ugu jirta  Wasaarada  Beeraha misaaniyadda waxa ugu jira  milyan 700 kun oo doolar ayaa ugu jirta sidaa dateed ayay shaqadedii u korodhay  wasaarada maaliyadda,”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply