WEEDHA WARGEYSKA Riyada Farmaajo ee Raadcadii Midnimadii la Eeday

0
88

Waayaha nolosha ee uu soo maro aadanuhu, waxa uu uga faa’iideystaa maareynta waxyaabaha horyaalla maanta, hase ahaatee guud ahaan dadka Somaalida ah dhibaatooyinka faraha badan ee mar walba faraqa uga lusha, waxa u sababa dhaqankooda reer guuraaga ahaa oo aanay waxba ka beddelin waxna ku soo kordhin soo gelitaankoodii magaalooyinka.

Soomaalida waxa haystaa waa qoris la’aan iyo iyadoo aan sameyn wax diiwaangelin ah oo ku qotonta xilliyo mid kastaa ku waqtiyeysan yahay wixii dhacay taariikhihii kala duwanaa ee ay soo mareen ee lahaa dagaallada, abaaraha, Cudurrada iyo masiibooyinka kale, waxana markhaati cad u ah in maantadaa la joogo aan weli wax laga qorin waxyaabihii keenay kacdoonkii shacbi, gummaadkii dadka, qaxii, iska horkeenkii iyo burburintii magaalooyinkii Somaliland iyo dagaallada, qaxa iyo ammaan-darrada haysata dhulkii Talyaanigu ka talin jiray oo weli qas iyo qalalaase joogto ah ku jira muddo ku dhow 30 sannadood.

Arrimahan iyo kuwa kale oo badan oo ay ka mid yihiin la soo noqoshadii Somaliland ee madax-bannaanidoodii ay ka qaateen dalka Biriteyn 26kii june 1960kii oo ka dhashay qodobada aan soo sheegay iyo kuwa kale oo badan oo hadda aan qoraalkan kooban lagu wada calaamadan Karin, ayaan weli si xeeldheer cidina isku weydiin wixii khaldamay ee ay ka dhasheen dhammaan duruufihii qallafsanaa ee ku habsaday dadkii halka geed wada hadhsanayey ee ku bahoobay Calankii buluugga ahaa.

Waxa ay ila tahay, in haddii wixii dhacay si dhab ah buuggaag iyo filimo looga sameyn lahaa, isla markaana wixii raadad muuqaallo ah ama walxo kale oo raadadkii foosha xumaa ah sida Diyaaradda la saaray kheyriyada agteeda oo ka mid ah, Diyaaradihii dagaalka ee intay kasoo kacaan Madaarka Hargeysa, haddana duqeyn jiray isla shacbigii Hargeysa ku noolaa 1988kii la dhigo, laguna keydin lahaa Matxafyo, si mustaqbalka ay cashar ugu noqoto jiilalka dembe, isla markaana dib dembe loog waantoobo asbaabihii dhaliyey dheg-xumadii iyo dhibaatooyinkii wada saameeyey labadii dal iyo dad ee iyagu ikhtiyaarkooda ku doortay inay si shuruud la’aan ah hal dal isugu noqdaan 1dii July 1960kii, way adkaan lahayd in Madaxda Muqdisho qaarkood mar walba ku dagaallamaan oo ku doodaan soo celinta midnimadii la wada eeday haba kala duwanaadaan siday wax ugu kala dhaceene.

Hoggaamiyeyaasha iyo shucuubta dalalka dunida oo intooda ugu badan aanay war ah ka ahayn xaqiiqada wixii laga dheefay israacii labada dal oo ay ujeeddada qudha ee laga lahaa ahayd, in saddexdii Gobol ee kale ee Somaalidu lahaydna ay kusoo biiraan, wax badan oo qiiro leh oo xadxanteeya dareenkooda, isla markaana damiirkooda shida ayey ka ogaan lahaayeen buuggaagta laga qoray, aflaamta laga sameeyey iyo waxyaalaha ku keydsan Matxafyadaba, ilama aha inay ka gabban lahaayeen waaqaaca dhabta ah ee horyaal.

Saddexdii kale ee Somaaliyeed ee baadi-goobkooda laysku raacay, iska dhaaf hadal hayntii waagaa ahayd [Shanta oo is weheshadaa wacneydaa] ee waxay xataa daayeen soo hadal qaadkeed, kadib markay arkeen Caddaalad xumo, cadaadiska iyo dulmiga ka dhex jira labadii israacay, waayo kan wax dulmayey oo mar walba hayey hoggaanka ayaa gaabiyey, maadaama uu ka cabsi qabay inuu waayo sed-bursiimada uu boobka iyo bililiqada ku helay.

Somaalidu waxay tidhaa [Caano daatay dabadood la qabay], sidaa awgeed wax kasta oo soo gaadhay shacbiga reer Somaliland, haddana ma jiro wax ciil-qab ah oo ay u hayaan shacbiga looga taliyo Muqdisho, waxayna mar walba ku talinayaan in si mar kale aanay u dhicin wixii shalay dhacay oo weli raadadkoodii sii qoyan yihiin, in labadii ee hore isku raacay uu mid walba barakeysto halkii xuduuddiisu ku ekaayeen kahor intaan lays raacin.

Haseahaatee, waxa taa diiddan oo ka doorbidaya midowgii lagu hoobtay ee la eeday, iyadoo aan weliba xumihii dhacay laga bogsoon, wax garowshiiyo ama magdhow ahna laga bixin, in haddana xoog iyo caga-damdamleyn iyo jujuub mar kale lagu soo celiyo Somaliland garba-duubkeedii, taas oo la garan karo waxa ka dhallan doona. Sidaa awgeed Farmaajo oo ah nin aan hawl kaleba hayn oo aan ka ahayn in dagaal lagu qaado Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena uu kaalmooyinkii dhaqaale ee loogu talo galay maamul Goboleedadiisana usoo leexiyo u adeegsiga khalkhal gelinta xasiloonida iyo ammaanka gudaha ee dalka, isagoo col-moog ah oo aan dib u dhugan wixii hore u dhacay.

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo uu joogo, waxa looga baahan yahay inuu qof kastaa foojignaan iyo fiiro gaar ah u yeesho ka shaqeynta isku duubnida iyo in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo cadow u ah Jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here