Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Laba Mishiin Ku Wareejiyay Wakaaladda Biyaha Gabiley Ceel-biyood Cusub na Dhagax Dhigay

0
608

Gabiley (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa shalay laba Mishiin oo kuwa biyaha ah ku wareejiyay wakaaladda biyaha ee magaaladda Gabiley.

Sidoo kale wasiirku waxa uu dhagax dhigay ceel-biyood Riig ah oo laga hirgelin doono deegaanka Botor ee gobolka Gabiley. Waxa kaloo uu wasiirku soo kormeeray deegaamadda biyo soo saarka ee Geed-balaadh.

Wasiirka khayraadka biyaha Somaliland waxaa kormeerkaasi iyo dhagax dhigga ku wehelinayay wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Muxumed.

Saleebaan Cali Koore, oo hadal ka jeedinayay madashii uu wakaaladda biyaha Gabiley ugu wareejinayay labadda mishiin, waxa uu yidhi “Waxaan maanta (Khamiistii) ku wareejiyay maareeyaha wakaaladda biyaha ee Gabiley, iyadoo ay markhaati ka yihiin badhasaabka iyo maayarku-ba laba mishiin oo kuwa biyaha soo saara ah. Maareeye, idinkoo markhaati ka ah hantida ku baxday labadan mishiin dib ayaanu ka soo sheegi doonaa. Laakiin, waa hanti aad u badan.

Reer Gabiley, maanta (doraad) wixii ka dambeeya way la xisaabtami karaan maareeyaha wakaaladda biyaha. Aniga na way iga soo wareegtay xagayga”.

Weftiga uu hoggaaminayay wasiirka biyaha Somaliland waxay dhagax dhigeen ceel-biyood lagu kordhinayo ceelasha biyaha deegaanka Botor ee ay ka cabto magaaladda Gabiley. Wasiir Koore oo ka warbixinayay baahida keentay ceel-biyoodka uu dhagax waxa uu yidhi “Ceelkani wuxuu ku yimid, baahi laga soo sheegay ama qaylo-dhaan ka timi Gabiley. In uu madaxweynuhu toos u soo amray wasaaradda biyaha in ceel deg deg ah laga sameeyo”.

“Kharashka iyo waxa ku bixi doona qodista ceelkani, meel kastaba aanu ka soo Xabkaynee, kollay waa la keenayaa. Waana masuuliyad uu madaxweynuhu qaatay. Anaguna (wasiirrada) gacan yare yaashiisii ayaanu nahay, oo ka hoos shaqaynaya”ayuu yidhi wasiirka khayraadbka biyaha Somaliland.

Geesta kale waxaa halkaas ka hadlay badhasaabka Gabiley, maayarka iyo maareeyaha wakaaladda biyaha Gabiley iyo sidoo kale qaar ka mid ahaa madax dhaqameedka degaankaasi.

Waxaanay tilmaameen in ceel-biyoodkan cusub ee lagu soo kordhinayo ceelasha biyaha ee ay ka cabto Gabiley uu wax badan ka tari doono baahida ay qabaan, iyadoo hadda ay magaaladda Gabiley ka cabto afar ceel-biyood oo ku yaalla degaanka Botor.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply