Wasiirka Caafimaadka oo Guddi u Magacaabay Dhakhtarada Ajaanibka ah ee Ka Hawl Gala Dalka Somaliland

0
791

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa magacaabay guddi dhakhaatiir ah oo farsamo oo soo daraaseeya isla markaana soo afjara dhakhaatiirta ajaanibka ah ee dalka ka hawl gala.

Wasiirka caafimaadka ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay in guddidan farsamo ay ka hawl gali doonaan soo afjarida dhakhaatiirta ajaanibta ah ee ka hawl gasha dalka.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay inuu wareegtadan ku magacaabay guddida dhakhaatiirta ah isaga oo fulinaya amar ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi .

Wasiir Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa guddida dhakhaatiirta ah ee uu magacaabay waxay kala yihiin.

Dr. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed

Dr.Cabdiraxmaan Cali Mahdi(Aw Koombe)

Dr. Bashiir Cabdi Saleebaan

Dr. Farxaan Cumar Muuse

Dr. Faadumo Xaashi Iimaan

Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed

Dr. Cismaan Maxamed Diiriye

Wasiirka caafimaadka ayaa guddidan dhakhaatiirta ah ee uu magacaabay waxa uu ku adkeeyey inay si mug leh uga soo baaraan degaan hawsha uu u xilsaaray

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply