Xayawaan Aan La Arag Muddo 100 Sanno Ah Oo Markale La Arkay.

0
1495

Waxa markii ugu horeysay dib loo arkay xayawaan aan muddo 100 sanno ah lagu arag wadamada caalamka, isaga oo caan ku ahaa Qaaradan Afrika , sida lagu xusay warbixin kooban oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan.

Xayawaankan oo loo yaqaano Shabeelka Madow ayaa lagu arkay wadanka Kenya , iyada oo uu sawairo ka qaaday sawir qaade lagu magacaabo WILL Beirad-Lucas , waxaana sawiraddan laga qaaday degaanka Lakia , waxaana arrintani aad usoo jiidatay kooxaha xawayaanadka xanaaneeya oo sheegay in ay tahay arrintani fursad markale la helay.

Xayawaankan Black Leapord-ka loo yaqaano ayaa hore loogu hayn jiray beerta xayawaanadka ee loo yaqaano San Diego Zoo, iyada  oo uu kii ugu dambeeyey uu ku dhintay beertaasi, waxaanay kooxda ilaaladda beertasi sheegeen in uu xanuun aan la ogayn u dhintay shabeelkaasi.

“ waxaan sawiraddan u qaaday hab iska ciyaar ah , iyada oo aan doonaayey bal in aan xayawaankan ka qaado sawir xusuus ah, mana ogayn in xayawaankani yahay xawayaan la raadinaayey ama aan la haynba nooc lamid ah” ayuu yidhi Lucas.

Xayawaankan oo ah nooc shabeelka kamid ah oo dhif iyo naadir ku ah adduunka ayaa sawirkii ugu dambeeyey laga qaaday sannadkii 1909-kii, sawirkaas oo noqday ka ilaa maanta la isticmaalo .

Leave a Reply