Wafti Ka Socda Xukuumadda Somaliland oo Gaadhay Ethiopia

0
603

Hargeysa (Dawan)- Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland iyo qaar ka mid ah Maayirada magaalooyinka Somaliland ayaa shalay u ambabaxay magaalada Jigjiga, halkaasi oo ay kaga qayb-gelayaan xuska magaalooyinka Ethiopia oo sannadkan lagu qaban doono magaalada Jigjiga.

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay in labada dawladood ay kala faa’iidaysan doonaan wixi horumar ah, wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo nagu marti qaaday in aanu ka qayg qaadanno oo aanu eegno si aan ugu faa’idaysano oo khibrad nooga korodho horumarka magaalooyinka dalka Ethiopia oo lagu qabanaayo Jigjiga.”

Maayir ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa sheegay in ay tahay markii u horraysya ee ay ka qayb galaan Xuska magaalooyinka Ethiopia, waxaana uu yidhi “Waxaanu u tagaynaa waa iskaashiga iyo xidhiidhka labada magaalo oo aanu yeelano xidhiidh intan ka wanaagsan. Waa markii ugu horraysay ee xidhiidh intan leeg dhaco, waxaanu ku rajo weynahay in aanu noqon markii ugu dambaysay.”

Maayirka magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, oo qayb ka ah waftiga Somaliland ayaa xusay muhiimada ay leedahay in dalalka jaarka ay kala korodhsadaan wixii horumar iyo khibrad ah, waxaanu yidhi “Waa aynu kala faa’idaysanaynaa dalka aynu walaalaha nahay ee Ethiopia, wixi khibrad iyo waayo aragnimo ah. Waxaanu isla eegaynaa waxa aanu kaga horumarsan nahay iyo waxa ay nagaga horumarsan yihiin.”

Ujeedada Waftigan ayaa ah in ay ka qeybgalaan xuska magaalooyinka Ethiopia oo sannadkan lagu qabanayo magaaladda Jigjiga ee Caasimadda Dawlad Deegaanka Soomalida Ethiopia.

Dhinaca kale waxa uu waftigu kulamo la qaadan doona madaxdda Dalka Ethiopia iyo Maamulka Dawladd Deegaanka Soomalida.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply