Dufcaddii Koobaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran oo ku Soo Xarooday Dugsiga Dararweyne

0
647

Hargeysa (Dawan) Ardaydii goboladda Sool iyo Togdheer ee u matelayay barnaamijka shaqo qaran ayaa u soo anbabaxay dhanka dugsiga tababarka Dararweyne ee gobolka Maroodijeex.

Guddoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin ardayda barnaamijka shaqo qaran u mataleysa gobolkooda ee tageysa dugsiga tababarka.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa dhalinyaradda gobolkiisa uga qayb geli doonta barnaamijka shaqo qaran ugu bushaareeyay in marka ay soo dhammeystaan duruusta loo dhigi doono, cida u horreysa ee fursadaha shaqo ee qaranka laga fuudhyeelayaa ay iyaga yihiin.

Sido kale waxaa iyaguna sidaasi si lamida u soo ambabaxay ardaydii gobolada kale ee dalka u matelayay barnaamijkan shaqo qaran.

Guddoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka hadlay madashii laga soo ambabixinayay ardaydaasi ayaa yidhi “Maanta oo ay bishu tahay 17/2/2019 waxaa si rasmiya gacanta dawladda u soo galay ardaydii ku soo baxday barnaamijka shaqo qaran, kuwaasi oo ku guuleystay imtixaankii ay mareen iyadda oo gabdhihii hore loogu xareeyay jaamacadda Nugaal, haddii aanu nahay maamulka gobolka Sool waxaa aanu aad ugu faraxsanahay, ardaydaa barnaamijka shaqo qaran ku guuleystay ee gobolka u soo baxday, tababarna u anbabixi doonta, maantana waa maalin weyn waxaaney wax u soo baran doonaan gobolka Sool”

Xamse Maxamed Cabdi gudoomiyaha gobolka Togdheer ayaa dhankiisa tilmaamay in barnaamijkani yahay mid madaxweynaha qaranka iyo xisbiga taladda dalka haya ay wakhtigii ololaha balanqaadeen, isla markaana ka dhabeeyeen waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ka soo ambabixineynaa dufcadii koobaad ee ardayda barnaamijka shaqo qaran ee ku guuleystay imtixaankii ay galeen, kaasi oo ay madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga taladda dalka haya ay ballanqaadeen wakhtigii ay ololaha ku jireen, in ardayda loo sameyn doono barnaamijka shaqo qaran, waaney ka dhabeeyeen balanqaadkaasi, waxaana halkan ka dhaqaaqi doonta dufcadii koobaad ee barnaamijka shaqo qaran u mateli doonta gobolka Togdheer, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay dhawr iyo toban arday, barnaamijkana waa mid waxtar u ah qaranka oo dhan, gaar ahaan kuwa aqoonyahanka ah ee ka soo baxay jaamacaddaha, waxaanu barnaamijkani fursad u siin doonaa markay dhameystaan tababarkan shaqa kasta oo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland leeyahay”

Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa waano iyo dhiirigalin u guntay ardaydii ay soo ambabixiyeen isaga iyo masuuliyiinta kale ee gobolkiisu waxaanu yidhi “Waxaa la yidhi ‘ninku markuu degmaddiisa joogo nin buu ku yahay markuu degmo kale tagana degmadiisi badh ayuu ka yahay’ macnaheeduna waxaa weeye waxaa lagu qiimeynayaa meesha uu ka yimid dabeecadeeda iyo dhaqankeeda uu la tago qofkaasi deegaanka kale uu tagey, waxaad mataleysaan dhalinyaradda bulshada xoogeeda ah ee Togdheer, waxaad tegi doontaan meel ay isugu imanayaan dhammaan ardaydii ka kala yimid goboladda Somaliland oo dhan, waxaad goobtaasi la tagtaan ayaa gobolka aad ka timaadeen lagu qiimeyn doonaa, marka ay sidaasi tahayna waxaa la idiinka baahan yahay in aad gobolkiina qiimeysaan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply