Wasaaradda Caddaaladda iyo Shirkadda Somtel oo Wada galey Heshiis Mihiim ah

0
583

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo masuuliyiinta shirkadda wadaniga ah ee Somtel ayaa kala saxeexday heshiish la xidhiidha sidii dawladda iyo dadka leysugu xidhilaha.

Nuxurka heshiiskan ay wasaaradda iyo shirkadu wada galeen ayaa la xidhiidha sidii dadka loo gaadhsiinlaha fariimo la xidhiidha barashada dhanka cadaalada.

Ugu horeyn agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Xasan Sheekh Ismaaciil ayaa faahfaahin ka bixiyay nuxurka heshiiskan ay wada galeen shirkada wadaniga ee Somtel iyo wasaaradoodu waxaanu yidhi “Waxaanu heshiis kala saxeexanaynaa shirkadda waddaniga ah ee Somtel, heshiiskaasi oo ah in fariimaha wasaaradda cadaaladda ay dadweynaha reer Somaliland gaadhsiiso, oo fariimaha loogu diro fariimahaasi waxaa ay inta badan ka koobnaan doonaan wixii wacyigelina ee hadba hawlaha wasaaradda ku soo kordha, xilka wasaaradda saaranina waxaa uu yahay in adeegyadda cadaaladeed ay helaan bulshada reer Somailland la tayeeyo islamarkaana kor loo qaado”

Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi madaxa xidhiidka dadweynaha ee shirkadda isgaadhsiinta ah ee Somtel oo isna munaasibadii ay heshiiska ku kala saxeexdeen wasaaradda Caddlaadda iyo shirkadda Somtel ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay in fariimahaasi ay bulshada gaadhsiiyaan meelkasta oo ay joogaan waxaanu yidhi “Hawshani waxaa ay tahay sida aynu ka wada warqabno in wasaaraddu muddooyinkii u danbeeyay ay ku hawlaneyd qaabkii ay sharciga u baran-lahaayeen bulsho waynta reer Somaliland , dadkuna isugu fahmilahaayeen shaqada wasaaradda taasi oo muddooyinkii u danbeeyay ay wasaaraddu ku hawlaneyd, tii ayuunbay tanna qayb ka tahay in wasaaraddu ay fariimaha gaadhsiiso bulshadeeda, kuwaasi oo gaadhi doona bulshadu meelkasta oo ay joogaan, min bari illaa galbeed telefoonkiisa inuu fariintaa ka helo, waana mid aanu wasaaradda kala shaqeyn doono Insha ALLAAH, ujeedadda ka danbeysana waxaa ay tahay in barnaamijkaasi uu noqdo mid wacyigelineed, oo bulshaduna ay ku baraneyso sharciga dalka, iyo wasaaraddU shaqada ay qaranka u heyso”

Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Eng Cabdi Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isna ka hadlayay muhiimadda heshiiskaani u leeyahay qaranka iyo qorsheyaasha ay ka wasaarad ahaan kaleeyihiin,ayaa yidhi “Waxaanu dalbaney oo baryahanba ka wada shaqeynaynay sidii ay laba qodob noogu qabanlaheyd, in todobaadkiiba hal mar ama laba jeer ay udiri doonto bulshada fariimo la xidhiidha xaga caddaaladda, sida ay wadanka uga hirgashay iyo sida ay u shaqeyso, iyo muwaadinka aan wax badan ka garaneyn caddaaladda iyo hannaanka loo marayo ay ugaadhsiin laheyd, iyo helitaanka lanbar ay bulshadu nagala soo xidhiidhi doonto islamarkaana aanu wixii sharciyadda ah aanu kala talin doono, hawshanina maaha mid ay faa’iido ka helayaan ee mutadawacnimo ayay bulshadooda wax ugu qabanayaan, waana mid ay dawladooda iyo dadkooda ay isku isgaadhsiinayaan.waxaanan ka duulaynaa ballan qaadkii Madaxweynaha qaranka ee ahaa sarraynta sharciga,markaa annagoo taa fulinayna ayaanu heshiiskan Somtel kala saxeexanay si aanu dadka aanu u adeegaynu u gaadhsiino caddaaladda iyo barista shaqada wasaaradda caddaaladdu ay bulshada u hayso iyo in ay helaan dadweynuhu lambar kooban oo ay nagala soo xidhiidhi karaan oo ay kula hadli karaan khuburada shuruucda ee wasaaradda oo wixii talo caddaaladeed ah dadka bari doona.”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda cadaalada mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply