Wasaaradda Deegaanka oo Shooladaha Gaasta u Qaybisay Qoysas Danyar ah

0
641

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somlailand marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa bulshada barakacayaasha ah ee degan xaafada Digaale ee waqooyiga magaalada Hargeysa u qaybisay Shooladaha gaasta ee wax lagu karsado.

Shooladahan oo ay qaybinayso wasaaradda deegaanka Somaliland ayay tiradoodu dhantahay kun xabo, kuwaasi oo la gaadhsiin doono shan kaam oo kala ah, Sheekh Cumar, Jimcaale, Istanbuul, Ayax, iyo Digaale.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ugu horreyn hadal kooban ka jeedisay munaasibadii ay ku qaybinayeen Shooladahan ayaa sheegtay inay noqoneyso fursad lagu yareynayo isticmaalkii dhuxusha waxaaney tidhi “Markii koobaad maaha, markii labaadna maaha, markii saddexaadna maaha, intii aanu hada Shoolado qaybiney ama aanu girgirayaal qaybinay, ama wax allaale iyo wixii Dhuxusha lagu badbaadinayay ee tamarta aynu ku helayno, maaha markii koobaad ee aynu bixinay”

Sidoo kale wasiir Shukri waxaa ay bulshadda kaamka Digaale ka codsatay in dhirtii ay ku lahaayeen wasaaradda deegaanka ay soo doontaan waxaanay tidhi “Kaamka Digaale waxaanu la nahay saaxiib oo maalintii goobtani la degay dhirtii ugu horreysay waanagii keenay, dhir danbena maydaan soo doonanin, sannadkana waxaan rajeynayaa in dhirtiini aad soo doonataan, waayo qofkii geed beeray waa qof janadii geed ka beertay”

Axmed Ibraahim Warsame agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo isna madashaasi ka hadlay ayaa taxay kaamamka ay gaadhsiin doonaan shooladahani waxaanu yidhi “Wasaaraddaha deegaanku waxaa ay ku hawlaneyd baryahan, wixii lagu badelilaaha dhuxusha loona helilahaa, sidaasi darteed waxaa qorshahani iska kaashadey hay’addaha IGZ, iyo wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, waxaana goobtan ku diyaarsan hada kun shooladood oo loogu talo galay shan kaam oo barkacayaasha ka mida, kaasi oo ugu horeeyo magaala Digaale, Jimcaale, Istanbuul, Ayax, iyo xaafadda Sheekh Cumar Yuusuf”

“Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxa ay noo qaybisay dhir, waanan ku liibaaney, hadh wanaagsana waa ay noo noqdeen, kuleylkii jiingadahana waanu kaga reysaney Allxamdulilaah mar walba” ayay tidhi mid ka mida hooyooyinka xaafadda Digaale ee ka faa’ideysan doonaan mashruucan Shooladaha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply