Maayarka Burco oo Furay Waddooyin Cusub oo Dawladda Hoose Hirgelisay

0
565

Burco (Dawan)- Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad oo horkacayay xubnaha golaha deegaanka ee degmadaasi ayaa xadhiga ka jaray laba waddo oo cusub, kuwaasi oo ay dawladda hoose ka hirgelisay badhtamaha magaalada Burco.

Maayarka magaalada Burco iyo xubnaha guddida fulinta ee golaha deegaanka ayaa sidoo kale kormeer ku tagay dhismayaal cusub iyo mashaariic ay dawladda hoose ka hirgelinayso magaalada Burco, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhismayaal lagu kordhinayo xarunta dawladda hoose iyo biriij loogu talagalay in ay dadku lugta ahi maraan.

Xoghayaha dawladda hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheekh ayaa faahfaahin ka bixiyay mashaariicda horumarineed ee ay muddooyinkii ugu dambeeyay hirgelisay dawladda hoose ee Burco, waxaanu yidhi “Maanta waxa aanu xadhigga ka jaraynaa dhismaha laba waddo oo dhamaaday, labadaasi jidba waxay ku yaalaan farasmagaalaha Burco, waxa kale oo ku xiga laba waddo oo aanu dhagax-dhigayno, waxa kale oo aanu gacanta ku haynaa xaruntii dawladda hoose oo dhisme ka socdo oo daynrkeedii iyo hoolkii shirarkuba ay dhammaad yihiin.

Maanta indhihii fayoobi way arkayaan waxqabadkaa muuqda ee aanu qabanay, muwaadiniintana waxaanu la socodsiinaynaa oo aanu ugu bushaaraynayaa oo caddaan ah waxqabadkaa aad arkaysaan oo aanu xadhiga ka jaraynaa waa cashuurtii yarayd ee la idinka qaaday.”

Maayar ku xigeenka magaalada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Mashaariicdani waxay qayb ka tahay, mashaariic badan oo dib u habayn lagu samaynayo farasmagaalaha Burco oo biriijyo leh, oo laamiyo leh, oo bilicdii magaalada iyo iftiimin leh, taas ayay qayb ka tahay, waddadanna waxaa ka horreeyay laba waddo oo kale, waana mashaariicdii noo qorshaysnayd in aanu sannadkan dhamaystirno.”

Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay mashaariicda horumarineed ee u qorshaysan sannadkan in ay ka fuliyaan magaalada Burco, waxaanu yidhi “Waxaa noo qorshaysan shan waddo oo ka dambeeya labadan aynu hadda xadhiga ka jarayno, isla markaana aanu isla manta dhagax dhigayno laba kale, waana dhaqaalihii la idinka qaaday ee maaha wax meel kale laga keenay, shantaa waddo ayaa qorshaysan.”

Maayar Muraad waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aanu gacanta ku haynaa laba mashruuc oo ka socda xarunta dawladda hoose ee magaalada Burco, oo midi uu yahay dayarkii xarunta dawladda hoose, kaas oo ahaa dayrkii uu kaga tagay Ingiriisku, maantana waxa aanu ka dhisaynaa dayr aad u qurux badan oo dhismihiisu socdo, gudaheedana waxa aanu ka dhigaynaa laami ku wareega xafiisyada xarunta dawladda hoose iyo marmarka wadaniga ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply