Wasiirka Jidadka oo Ka Hadlay Dhismaha Waddada Isku Xidhaysa Berbera Iyo Wajaale

0
421

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa ka hadlay xiliga la bilaabaayo waddada isku xidhaysa magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, waxaanu shaaciyay in dhismaha jidkaasi si rasmi loo dhagax-dhigi doono 28-ka bishan February, isla markaan ay bilaabmi doonto 15 bisha March ee sannadkan.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, waxa kale oo uu ka hadlay socdaal shaqo oo ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, safarkaasi oo la xidhiidhay dhismaha jidkan Berbera Koodhidhoor.

Wasiir Cabdillaahi Abokor oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ku rajo waynahay in dhismaha jidkani bilaabmo Insha Allaah, waxaa la dhagax-dhigi doonaa 28-ka bishan aynu ku jirno ee February, waxaanu si rasmi ah u bilaabmi doonaa dhismihiisu 15-ka bisha March ee sannadkan.”

Cabdillaahi Abokor oo ka hadlayay ujeedada safar shaqo oo ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta iyo nuxurka waxyaabihii lagaga wada hadlay kulamadii ay la yeesheen madaxda dalka Imaaraadka Carabta waxa uu yidhi “Tobankii bishii labaad ee sannadkan waxaanu safar shaqo ku tagnay dalka Imaaraadka Carabta, safar shaqo ayuu ahaa oo la xidhiidhay mashruuca Berbera Koodhidhoor, sidoo kale waxaanu la kulanay Wasaaradda Arrimaha dibada, gaar ahaan wasiiru dawlaha arrimaha dibada Anwar Qarqaash.”

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, waxa kale oo uu ka hadlay mashruuc horumarineed oo ay xukuumaddu ku dhisayso todoba biriish oo dalka ah, waxaanu yidhi “Waxaa la dhisayaa todoba biriish oo ay ka mid yihin biriijyada Agamsaha, dooxa Dacar Budhuc, Dhubato, Aw Barkhadle, adigu todoba biriij ayaa la dhisayaa, waxaanay suurto gal noqon doonaan oo aanu rajaynaynaa in si rasmi ah loo maro 22 bilood kadib, laakiin inta ka horraysa waxaanu rajaynaynaa in aanu uga shaqayno sidii hore ee aanu uga shaqayn jirnay, waxaana jira kooxo ay hay’addu leedahay oo arrimahaasi ka shaqeeya iyo cagafyo aanu u diyaarinay iyo in aanu ilaalino xilliyada roobabka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply